Shirkii KULMIYE Oo Shalay Si Rasmi Ah Loo Soo Gunaanaday

0
532

DSC_00312Hargeysa(Geeska)-Shirkii Shanaad ee Golaha Dhexe kulmiye oo doraad ka furmay Magaalada Hargeysa muddo laba cisho ahna socoday laguna doortay Musharaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye ayaa  shalay si rasmiya loo soo xidhay Shalay, waxaana soo xidhay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)

Munaasibadii lagu soo xidhay Shirkan oo wax ka bedel lagu sameeyay Sharciga iyo Shuruucda Xisbiga Kulmiye, gaar ahaana qodobo ku saabsan sida xubnaha xilalka hayaa Golaha dhexe ku soo galaan. Golaha dhexe oo ay hore xilalka ugu soo gali jireen xubnaha Kulmiye ee golaha wakiilada ku jira iyo kuwa golaha Wasiirada ku jira ayaa hadda lagu kordhiyay in xubnaha Guurtidu xilal ku soo galaan Golaha Dhexe.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,isla markaana hadda ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga oo halkaas ka hadlay ayaa  waxa uu  ka hadlay arrimo badan oo ay ka  mid yihiin adkaynta ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, tamarta, doorka haweenka, dhalinyarada iyo dadka la haybsooco. Waxa uu sheegay in Xisbigiisu kor u sii qaadi doono arrimahaasi 5-ta sanno ee soo socota.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isna halkaas ka hadlay  wuxuu hogaanka Kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga kula dardaarmay isku duubni iyo inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafaadka soo dhexe gala. Waxa uu Madaxweynuhu bogaadiyay Wasiirkiisa Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo lagaga adkaaday Musharaxnimada madaxweyne xigeen, waxaanu sheegay in Dr Xaglotoosiye sameeyay geesinimo bisayl siyaasadeed, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socda, waxaan u rajaynayaa guul. Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.  Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen. Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan. Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga,”

Dhanka  kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxweynaha  gudoonsiiyay shahaado sharaf  uu ku maamusay, taas oo uu Madaxweyne siilaanyana guddoomay.