Daanyeerro Ku Gadooday Cooflihii Hoggaaminayey Oo Keli-Taliye Ku Noqday, Iyo Tallaabada Ay Ka Qadeen

0
602

Dakar (Geeska)- Gadood ba’an oo laba maalmood ka hor ka dhex qarxay daanyeerro ku dhaqan goobta lagu magacaao Fongoli ee daraasaadka xayawaanka oo ku taalla dalka Senegal ee galbeedka dalka Afrika ayaa sababay dhimashada cooflihii kooxdan madaxda u ahaa oo sida muuqata ay kooxdi si wada jir ah tallaabo uga qaadday.

1

Gadoodkan oo khubaro ku xeeldheer dabeecadaha xayawaanku ay sheegeen sababtiisu in ay hinaase la xidhiidhay, ayaa bilowday kadib markii raxan daanyeerro ahi ay weerar aad u ba’an ku qaadeen coofle ay xeeldheerayaashu ku tilmaameen in uu ahaa hoggaamiyahoodii uu ahaa digtaatoor xad-gudub badan, waxa aanay ku khaarajiyeen garaacis, ay waaxyahooda u adeegsadee, dhagxaan ay la dhaceen iyo mici aanay kala joojin illaa ay hubiyeen in uu mayd yahay, kadib waxa ay bilaabeen in ay cunaan hilbihiisa.

Cilmibaadhayaasha xaruntan oo arrintan daraasad xeeldheer ku sameeyey ayaa aaminsan in cadhada daanyeerradan gadooday ay la xidhiidho aargoosi. Waxa ay cilmibaadhistu caddaysay in hoggaamiyaha dhintay oo lagu magacaabi jiray Foudouko ay daanyeerrada kale oo dhami aad u necbaayeen, sababta ugu weyn ee ay u naceen, aakhirkiina gadoodka keentayna ay tahay iyaga oo diidanaa hab-macaamilkiisa qallafsan iyo weliba sida uu ugu amar ku taagleeyo.

Warkan xiisaha badan ee uu Geeska Afrika turjumay oo toddobaadkii hore lagu baahiyey shabakadda Internet ka ee New Scientist oo laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxaa la socday sawirro iyo muuqaallo Fiidyoow ah oo muujinaysa daanyeerradan gadoodsan iyo sidii ay u dileen hoggaamiyahoodii hore ee Foudouko.

Gadoodkan Daanyeerrada ayaa bilowday aroor hore oo aanu welib waagu si fiican u dillaacin. Waxaa mar keliya lagu war helay qaylada ci’da daayeerkan iyo reenka, markii koox xeeldheerayaal ah oo deggenaa goobtan oo lagu samaynayey daraasad la xidhiidha daanyeerku ay ku soo baxeen qayladana waxa ay ku war heleen daanyeerradan oo dilaya hoggaamiyahooda, kadibta inta ay bakhtigiisa dhulka gogoleen, kadibna inta ay bakhtigiisa jidieen ayaa ay la hoos tageen geed weyn, markaas ayaa inta ay isugu soo urureen ay mar kale garaaceen isaga oo bakhti ah.

Sababta:

Baadhitaanada ay cilmibaadhayaashu ku sameeyeen dhacdadan yaabka leh ayaa muujisay in colaadda Foudouko iyo daanyeerrada uu hoggaaminayey ay ka bilaabatay daanyeer dheddig oo uu hoggaamiyaha damac ka galay, laakiin ay iyadu si adag u diidday, isaga oo taas ka cadhaysanna uu weerar ku qaaday oo uu garaacay, weliba isku dayey in uu xoog kaga dan gaadho. Arrintani waxa ay si ba’an uga cadhaysiisay daanyeerradii kale oo isugu habar wacday in ay wax ka qabtaan xad-gudubka iyo gardarrada uu hoggaamiyahoodu kula kacay daanyeeraddan. Daanyeerradan ayaa go’aansaday in ay hoggaamiyaha kaga takhalusaan, waxa aanay arrintas fulinteeda bilaabeen arroortan hore oo ay weerarka ku ekeysiiyeen xilli uu weli hurdo.

Qisadan xiisaha leh ee uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay cilmibaadhayaashu kaga sheekeeyeen warqad-cilmi oo ay ku faafiyeen joornaalka Internetional Journal of Primatology oo ka soo baxa dalalka Maraykanka iyo Holland kana faallooda nolosha iyo dabeecadaa xayawaanka, waxa kale oo ay ku sheegeen in baadhista ay sameeyeen ay muujinayso in cadhada daanyeerradan ka muuqatay xilligii gadoodku ay ka sii fogeyd wax ka bilowday ficilkan xad-gudubka ah ee uu daaneyerku ku kacay, taas oo muujinaysa in ay jiraan ficillo hore oo xad gudub oo uu kula kacay raciyaddiisa. Muuqaallada kale ee xiisaha lahaa laga arkay dhacdadan waxaa ka mid ahaa, in daanyeerka hoggaamiyaha ah markii la dilay, ee bakhtigiisa loo jiiday geedka hoostiisa, in daanyeeraddii dhedigga ahayd ee uu ku xad gudbay ay u timid, kadibna bakhtigiisa labadeeda addiin ee hore / gacmood ay ku garaacday.

Dhinaca kalana Joornaal lagu magacaabo New Scientist oo isla arrintan wax ka qoray ayaa sheegaya in dhacdadani ay tahay tii inta la og yahay sagaalaad ee la arko daanyeerro ku gadooday hoggaamiyahooda oo dilay.