Sanam 7 Qarni Ka Hore La Sameeyey Oo Aad Ugu Eeg Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Ayaa La Helay

0
565

1Washington (Geeska)- Wargeyska Nottingham Post oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa fiiyow gaaban oo uu bartiisa Internet ka ku baahiyey waxa uu ku soo bandhigay muuqaalka sanam/taallo Taariikhi ah oo aad ugu eeg madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump. Waxa aanu raaciyey qoraal uu ku yidhi, “Dad tegey mid ka mid ah Kaniisadaha Ingiriiska ayaa arkay isu-ekaanshiyo wey oo ka dhexeeya sanamkan taariikhiga ah ee iyo madaxweyne Trump”

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa uu wargeyska Nottingham Post ku caddeeyey in sanamkani uu hadda ka hor ahaa jiray mid aanay dadka badankoodu isku lurin, dareen gaar ahna u lahayn oollitaankiisa kaniisadda, laakiin intii hadda la ogaaday arrintan waxaa bilowday in dadku ay si gaar ah u xiiseeyaan, isugu sawiraan, ugana sheekeeyaan ama xitaa dartiiba kaniisaddan u booqdaan.

Haweenay lagu magacaabo Samiirah Axmed oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa uu wargeysku sheegay in ay ahayd qofkii ugu horreeyey ee sawirka sanamka u eeg Trump ku faafiyey barta ay ku leedahay barkulanka bulshada ee Twitter ka, kadib markii ay sawirkan ka soo qaadday sanamka oo ay ku soo aragtay kaniisadda Southwell Minster ee dalka Ingiriiska.

Dhinaca kalana wargeyska The Mirror ee ka soo baxa Ingiriiska oo isaguna isla sheekadan wax ka qoray ayaa warkiisa oo uu Geeska Afrika akhriyey ku sheegay in marka laga hadlayo isu-ekaanshiyaha Trump iyo Sanamkan, waxa sida gaarka ah indhaha u soo jiidanayaa uu yahay dhinaca timaha iyo qaabka uu madaxweyne Trump u feedho oo aad ugu eeg qaabka madxa sanamkan iyo timihiisa loo sameeyey.