Madaxweyne Siilaanyo Oo Digniintii Uu Siyaasiyiinta Loolamaysa U Diray Ka Dib Kulan Gaar Ah La Yeeshay Muuse Biixi Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
520

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeen hore qasriga madaxtooyada ku yeeshay kulankoodii u horeeyay, tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkan ka hadlay loolanka ka dhex jira xisbiga KULMIYE.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulanka oo saacad iyo badh qaatay uu Madaxweyne Siilaanyo guddoomiyaha KULMIYE ugu soo bandhigay dhawr arrimood oo badankoodu khuseeyaan xisbiga KULMIYE.

Sida ay xoguhu tibaaxeen Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu guddoomiye Muuse Biixi kala hadlay arrintii uu hore warbaahinta u soo mariyay ee ahayd in la dhimo guuxa loolanka murashaxnimo, lana sugo inta ay labadiisa xilli dhammaanayaan, isagoo sheegay Madaxweynuhu in loolanada socdaa waxyeeli karaan sumcada KULMIYE iyo weliba taageerayaasha xisbiga. Madaxweynuhu wuxuu guddomiye Muuse Biixi ka codsaday inuu muujiyo odaytinimo oo uu soo dhaweeyo dadka ay siyaasadda isku hayaan ee xisbiga ka tirsan.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo Muuse Biixi, kala hadlay sidii loo xoojin lahaa laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo weliba sidii loogu soo xidhi lahaa xarunta dhexe ee xisbiga oo ah Hargeysa.

Geesta kale, guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayay wararka xogogaalka ahi sheegeen inuu Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay sidii uu u cafiyi lahaa wasiir xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor oo ay maxkamadi ku xukuntay saddex sannadood oo xadhig ah.  Waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay soo jeedinta Muuse Biixi islamarkaana uu amray in la diyaariyo warqad cafis ah oo lagu soo daynayo siyaasiga xidhan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Jicmihii siyaasiyiinta ku loolaya murashaxnimada KULMIYE, madaxweynaha dabadii, oo uu ku jiro guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inaanay ku xiiqin waxaan jirin islamarkaana aanay ku coloobin balse ay ka shaqeeyaan midnimada xisbiga, waxaanu si cad ugu sheegay inaanu raali ka ahayn in kursi uu ku fadhiyo la isku dul qabsado.

Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo kulan noocan oo kale ah uu la yeelan doono labada wasiir ee la baratamaya Muuse Biixi oo kala ah wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.