Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay (Q:10)

0
552

322Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Tobnaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka T:

Xarafkani waa xaraf daacadnimo badan, Waa u daacad shaqo iyo dareen (Cadifadeedba). Waa xaraf gebi ahaantiiba Kalgacal iyo jacayl ah. Waxa uu ku caan yahay ruux weyn oo saaxiibtinimo. Laakiin waa xaraf casabiyad iyo bootin lagu yaqaan, waxa uu leeyahay kulayl iyo cadho. Mararka qaar dabeecaddiisa adag ayaa ku kallifta in uu noqdo raciyad jecel in uu wax fuliyo laakiin aanu noqon hogaamiye, ama ka go’aanka gaadhaya isagu, (Madaxda ah), waxa uu awood u leeyahay in uu gudbiyo macluumaad, mar walbana waxa uu u haraadan yahay kalgacalka iyo caadifadda guud ahaanba nolosha. Waa qof dhiiri geliya kalsooni in lagu macaamilo, taas ayaanu ku saleeyaa dhammaan go’aamadiisa.

Nifiin Abu Shaalah oo qoraal ay dhowaan baahisay kaga hadlaysay shakhsiyadda ruuxa magaciisu T ku bilowdo ayaa tidhi, “Naftaada kalsooni xad dhaaf ah ayaa aad ku qabtaa, shaqadaada waa aad ku fiican tahay, inta badanna guul ayaa aad ka gaadhaa hawlaha aad u gacan qaaddo”

Xeeldheerayaasha cilmifalaggu waxa ay sheegaan in ruuxa magaciisu ku bilowdo xarafka T uu yahay ruux lagu yaqaanno himilo iyo riyo nololeed oo badan, haddana ah ruux khayaaligu ku badan yahay, lana arkee in uu marar badan liqi waayo waaqaca runta ah ee xun ee hor yaalla, markaasaa inta uu runta iska indho tiro laga yaabaa in uu been isku maaweeliyo. Waa qof jecel in xidhiidhka uu dadka la leeyahay aanu go’in, laakiin ceebta uu leeyahay waa in ay yihiin dad si xad dhaaf ah ugu dheggen aragtidooda, kuna madax adag fikirka ka soo horjeeda, ta ugu sii daranina waa in aanay dhegeysan talada loo soo jeediyo, kuna qaabilaan yasid iyo dhayalsi.