Maalqabeenka Ugu Weyn Dunida Oo Rajo Weyn Ka Muujiyey In 10 Sano Gudahood Lagu Samayn Doono Tallaalka AIDS

0
568

Picture3Washington (Geeska)- Maalqabeenka Maraykanka ah ee Bill Gates oo Malaayiin doolar ku bixiya cilmibaadhisaha caafimaad ee u gaarka ah cudurka AIDS ka ayaa sheegay in uu rajo badan ka qabo in tobanka sano ee soo socda gudahooda la heli doono tallaal ka hortag u noqda cudurka halista badan ee AIDS ka. Malyaneerkan dunida ugu jeebka weyn ayaa mar uu dhowaan ka hadlay xaflad dhowaan lagu qabtay dalka Maraykanka waxa uu ka sheegay in tallaalku uu yahay waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in la helo, oo marka hore la joojiyo dadka cusub ee maalin kasta uu cudurku helayo, haddii tallaalka lagu guulaystana ay keenayso in cudurku in uu dabargo’o.

Inta la og yahay waxaa maanta dunida ku nool 35 Milyan oo qof oo qaba cudur-sidaha dila hab-dhiska difaaca qofka, ee cudurka AIDS, dadkaas badankooduna waxa ay ku nool yihiin dalalka faqiirka ah. Bill Gates isaga oo ka hadlayey geeddi-socodkii hawsha tallaal raadinta waxa uu sheegay in ay qaadatay waqti ka badan intii uu markii hore filayey, kana hor yimaaddeen caqabado iyo dib u dhacyo badani.

Maalqabeenkan oo iska leh shirkadda barnaamijyada kombiyuutarka soo saarta ee Microsoft oo leh haayad uu xaaskiisa iyo isaga isugu magac daray ayaa sannad kasta bixisa 400 oo Milyan oo doolar oo lagu sameeyo cilmibaadhiso la xidhiidha sidii dawo loogu heli lahaa AIDSka, waxa aanu sheegay in haayaddan Bill And Malinda Gates ay mustaqbalka fog hawsheeda sii waddo.

Si kastaba ha ahaato ee khubaro badan ayaa aaminsan in cilmibaadhisaha la xidhiidha dawada cudurka AIDS ku in aanay ahayn kuwo weli xaqiiqo ku dhow, laakiin Bill Gates isagu waxa uu qabaa rajo toban sano gudahood ah, isaga oo horena u taageeray cilmibaadhiso kale oo loo wado sidii tallaal loogu heli lahaa qallalka (Naafonimada) carruurta qaar ku dhaca iyo cudurka Duumada.