Dallad Dhalinyaro Oo Fariin U Diray Guddiga Jaamacada Hargeysa

0
558

jaamacada-hargiesaHargeysa (Geeska)- Dalada dhalinyaro oo ka dhisan magaalada Hargeysa ayaa ugu baaqay guddiga jaamacada Hargeysa inay raacaan xalka uu soo saaray dhawaan madaxweyne xigeenka somaliland. Waxaanay arrinta jaamacada ka soo saareen war-saxaafadeed u dhignaa

“Dalada guud ee dhalinyarada aqoonyahanka gobolada M,jeex ,Hawd, saaxil iyo togdheer ayaa ugu baaqay board ka jaamacada Hargeisa maamula inay qaatan oo ay hir galiyaan mawqifkii jaamacada Hargeysa uu ka soo saaray madaxwayne xigeenka Jsl C/raxmaan C/lahi ismacil (saylici) kaas oo ahaa in uu ka aqbalay gudoomiyaha jaamacada Hargeisa iscasilaadiisii isla markaana uu soo magacaabi doono gudoomiye cusub mudo bil gudaheeda , sidoo kale waxa uu qaatay in jaamacada Hargeisa inay ka maqnaadan mudo 5bilood ah labada hormuud ee kuliyadaha Sayniska iyo Ganacsiga.

Hadaba daladu in dhawyd ba waxay si dhaw ula socotay khilaafka soo jiitamay ee in dhawydba ka taagna jaamacada Hargeisa kaas oo board jaamacadu xal u waayey xalinteeda dhagahana ay ka furaysteen digreetadii madaxwayne xigeenka, sidoo kale la fuliyo digreetadii labaad ee uu madaxweyne ku xigeenku ku sheegay in la fuliyo digreedadiisii hore oo uu nuxurkeedu ahaa in la kala diro madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka jamaacada oo aan ka aqbalay iscasilaadoodii, in mushaharadoodii ka maqnaan hormuudada kuliyadaha Sayniska iyo ganacsiga ay bixiso madaxtooyadu, in dib loogu celiyo shaqadoodii labadaa hormuud kuliyadood ee Prof. Cadaad iyo Kayse maadama oo ay dhamaystay mudadii aan shaqada ka joojiyey iyo in la  kala diro guddiga uu gudoomiyaha ka yahay wasiirka qorshayntu ee Sacad Cali Shire, lana soo magacaabo guddi cusub. Hadaba waxaanu ugu baaqaynaa boarka jaamacada iyo cid kasta oo ay digreetadaasi khusaysaba inay fuliyaan go,aanka madaxwaynaha ee sharciga ah, waana in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafkaas ragaadiyey hawlihii shaqo ee jaamacada, isla markaana shaqadooda lagu celiyo labada hormuud kuliyadeed maadama ay dhamaysteen mudadii 5bilood ahayd madaxwayne xigeenku ka joojiyey shaqada . 

Nageeye Maxamed Xasan.

Gudoomiyaha Dalada  Guud ee  Aqoonyahanka