Weli Ma Is Weydiisay Inta Uu Le’eg Yahay Fahamka Aad Ka Haysato Saaxiibtinimada Iyo Ixtiraamka Aad U Hayso? (2)

0
967

Hargeysa (Geeska)- Qof kasta waxa uu jecel yahay inuu saaxiib wanaagsan yeesho, in uu saaxiibkii jeclaado oo daacad u ahaado, laakiin mid keenna isma weydiiyo bal in aynu innaku nahay saaxiib wanaagsan. Haddaba su’aasha uu maanta wargeyska Geeska Afrika weydiinayo akhristuhu waxa ay tahay, ‘Adigu ma tahay saaxiib daacad ah oo wanaagsa, mise waxa aad tahay danayste indhihiisu naftiisa uun arkaan? Mase’ doonaysaa in aad wax badan ka barato heerka uu gaadhsiisan yahay kalgacalka uu saaxiibkaa kuu hayo? Si aad su'aalahan jawaabo waafi ah ugu hesho ka jawaab qaybtii 2aad ee su'aalaha, kadib eeg natiijada ka hoosaysa:

Su'aal kasta oo ku qoran far madaw dooro mid ka mid ah saddexda jawaabood ee ku hoos qoran (A, B ama C)

5. Saaxiibkaa ayaa hadyad kuugu keenay saacad aanad ka helin, waxa aad haysataa mid kaba qurux badan ta uu kuu keenay, ma kaa suurtogashaa inta aad hor taagan tahay, in aad saacadda uu ku keenay xidhato, si aad ugu muujiso in aad ku faraxsan tahay, mise taada ka quruxda badan ayaad ku ekaan doontaa?

A)Mar haddii aanay saacaddiisu I qancin maba xidhanayo?

B) Waa ay iga suuro gashaa inaan xidho?

C)Si kasta oo aanan u jeclayn haddana si aan u raalli geliyo waan xidhanayaa mararka qaar?

6. Marka aad saaxiibkaa la kulanto ma badisaa dhoolla caddaynta, si aad weji furan ugu muujiso?

A). Maxaa igu kallifaya, miyaan waalanay, ma jecli inaan iska dhoola caddeeyo sabab la'aan.

B). Waa ay dhacdaa laakiin waxa ay ku xidhan tahay hadba sida ay tahay shucuurtaydu maalintaa.

C. Haa aad ayaan u dhoolla caddeeyaa, waxa aanan jecalahay inaan u muujiyo farxad iyo weji furnaan.

7. Marka aad goobta shaqada ama waxbarashada dhex soc-socoto, ma salaantaa dadka aad iska soo hor baxdaan?

A) Maya.

B) Haa mararka qaarkood, laakiin waa saaxiibbada aanu is jecelnahay oo keliya.

C) Haa waan salaamaa qof kasta oo iga soo hor baxa umana eego garashada mar haddii uu ka mid yahay ardayda ama dadka aanu isku meel ka shaqayno.

1. Haddii aad hesho 10 illaa 14 dhibcood, waxa aad tahay qof kalgacal iyo naxariis badan, asxaabtiisuna aad u jecel yihiin, waxa aad tahay qof shakhsiyad fiican.

Talo: Halkaa ka sii wad kuna dadaal in dabeecadahan aad ku waarto.

2. Haddii aad hesho 5 illaa 9 dhibcood waxa tahay qof dhex dhexaad ah, laakiin iskuma taxalujisid

Natiijada Tijaabada:

Su'aal kasta oo aad kaga jawaabto A waxa aad u qaadataa Bilaa dhibco (0), jawaabta B waxa aad u qaadataa 2 dhibcood, jawaabta C waxa aad u qaadataa 1 dhibic keliya kadib isu eeg wadarta dhibcaha aad haysato.

saaxiibtinimada, sidaa awgeed waxa dhacda ama dhici karta in aad sidan ku weydo saaxiibbo badan, waayo waxa kugu yar weji furnaanta oo ah furaha macaamilo wanaagga.

Talo: Dib ugu noqo dabeecadahaaga, gaar ahaan dhinaca qiimaynta saaxiibbada, waxa aanad ogaataa in saaxiibka wanaagsani uu nolosha ka yahay tiir aad u muhiim ah oo aan laga maarmi karin

3. Haddii aad hesho 0 illaa 4 dhibcood, waxaa caddaatay in aanad saaxiibbada jeclayn, samaan iyo abaalna aanad u gelin, xataa marka aad awooddo aana doonayn in aad abaal u gasho. Dhibtooda kama naxdid, waxa aanad ula hadashaa si kakan oo aan ixtiraam ku dheehnayn.

Talo: Fadlan beddel dhaqannadan ulana macaamil saaxiibkaa sida ugu habboon waayo sina ugama maarantid. Waxa aad ku qasban tahay haddii aad doonayso inaad bulshada ku sii dhex jirto inaad dib ugu noqoto xisaabahaaga oo dhan oo aad saxdo xidhiidhka aad saaxiibbadaa la yeelanayso iyo hab macaamilkaaga bulshada aad ku qaabilayso. Dhammaad.

Halkan Ka Akhri 1-aad