Weli Ma Is Weydiisay Inta Uu Le’eg Yahay Fahamka Aad Ka Haysato Saaxiibtinimada Iyo Ixtiraamka Aad U Hayso? (1)

0
1147

Hargeysa (Geeska)- Saaxiibtinimadu waa shayga keliya ee la isku waafaqsan yahay jiritaankeeda iyo inuu yahay mindi laba af leh, dhib iyo dheefba qofka u soo hoyn kara. Haa, Saaxiibku waa furaha badhaadhaha nolosha iyo wehelka waayaha is ged-gediska badan ee adduun, laakiin haddana sidaas ma’ wada aha oo saaxiibku waxa uu inoo hor seedi karaa masiibo adduun iyo dhibaato innagaga tagta murugo aynu nolosheenna ku dhamaysano. Waxaa  marar badan dhacda in uu ruux wanaagsan uu saaxiibkii oo xumi karkaarka weydaariyom wanaagna kala fogeeyo, waxa kale oo dhici karta inuu noqdo farajka aynu kaga baxno xumaan iyo dhibaato.

Qof kasta waxa uu jecel yahay inuu saaxiib wanaagsan yeesho, in uu saaxiibkii jeclaado oo daacad u ahaado, laakiin mid keenna isma weydiiyo bal in aynu innaku nahay saaxiib wanaagsan. Haddaba su’aasha uu maanta wargeyska Geeska Afrika weydiinayo akhristuhu waxa ay tahay, ‘Adigu ma tahay saaxiib daacad ah oo wanaagsa, mise waxa aad tahay danayste indhihiisu naftiisa uun arkaan? Mase’ doonaysaa in aad wax badan ka barato heerka uu gaadhsiisan yahay kalgacalka uu saaxiibkaa kuu hayo? Si aad su'aalahan jawaabo waafi ah ugu hesho ka jawaab su'aalaha tijaabadan hoos ku qoran, kadib natiijada dhowr cadadka soo socda.

Su'aal kasta oo ku qoran far madaw dooro mid ka mid ah saddexda jawaabood ee ku hoos qoran (A, B ama C)

1. Haddii aad aragto saaxiibkaa oo aan ahayn saaxiib aad aad u jeceshay oo ku jira xilli nasasho oo aanu shaqo ama waxbarasho lahayn, laakiin wejigiisa ay ka muuqato murugo badan?

A) Mar haddii aad sheegtayba in aanu ahayn saaxiibkayga koowaad, maxaa I gelinaya arrimihiisa gaarka ah, dan kama gelayo murugada haysata

B) Waan waraysanayaa waxa helay, laakiin aad isuguma sii lurayo.

C) Waan u soo dhowaanayaa si naxariis iyo kalgacal ku dheehan yahayna u waraysanayaa, waxa aan ka caawinayaa wixii aan karo, si ay murugada u illawdana waan maaweelinayaa.

2. Haddii saaxiibka loo diro hawl ka badan intii caadiga ahayd, naftaadu raalli ma ku tahay inay ka caawiso shaqada dheeraadka ah?

a) Maya, haddii ay dhacdana waa dhif.

b) waan caawiyaa laakiin waa marka uu iga codsado oo keliya? 

C) Haa, waan caawinayaa, badanaaba waan caawiyaa.

3. Haddii saaxiibkaa shaqada ama waxbarashada muddo ka maqnaado, marka uu ku soo noqdo ma si guud mar ah ayaad u waraysan mise si xeel dheer ayaad uga waraysan waxa ay ku aaddan tahay?

A) Waan salaamayaa, laakiin si guud mar ah ayaan u waraysanayaa xaaladdeeda.

B) sida aan u waraysanayaa waxa ay ku xidhan tahay hadba heerka ay saaxiibtinimadaydau gaadhsiisan tahay.

C) Haa, si xeel dheer ayaan u waraysanayaa, waxa aanan u muujinayaa kalgacalka iyo in aan danaynayo.

4. Saaxiibkaa ayaa kaa waraystay shay cusub oo uu soo iibsatay inaad ka war bixiso, shaygani waa mid aanad adigu marnaba qaadateen, laakiin sida isaga ka muuqata aad ayuu ugu qanacsan yahay una jecel yahay, sideed ugu jawaabi?

A) Runtii, aad ayuu u qurux badan yahay waanan ka helay.

B) Ma xuma laakiin qaar ka qurux badan ayaad raadin lahayd .

C) Ma fiicna, waxa ay ila tahay in qaar badan oo ka fiican ayaa jiraan, markaa iska celi haddii ay suuro gal tahay? La soco…