Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Ayaa Magaalada New York Kulan Muhiim Ah Oo Taariikhi Ah Kula Yeeshay Danjiraha Dalka Israa’iil U Fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Ambassador Danny Danon

0
31

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada New York kulan muhiim ah oo taariikhi ah kula yeeshay Danjiraha Dalka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Ambassador Danny Danon, xilli Madaxweynaha JSL iyo weftiga uu hoggaaminayo ay safar shaqo ku joogaan New York, iyaga oo halkaas ka wada kulammo iyo dedaallo diblomaasiyadeed oo ku xeeran Kalfadhiga 81aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha Israa’iil waxa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka istiraatijiga ah ee Somaliland iyo Israa’iil, horumarinta iskaashiga labada dhinac

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil si mug leh uga mahadnaqay tallaabadii geesinnimada iyo ku-dhaca lahayd ee Dawladda Israa’iil ay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsatay dal madax-bannaan 26-kii Disembar, 2025-kii.

Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey muhiimadda ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay xidhiidhka cusub ee ay la leedahay Dawladda Israa’iil, isaga oo xusay in aqoonsigii ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland uu noqday bog cusub oo taariikhi ah oo ka furmay geeddi-socodka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhankiisa, Danjirah a Dawladda Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Mudane Ambassador Danny Danon, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada New York, isaga oo xaqiijiyey in Dawladda Israa’iil ay aad u qiimaynayso xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada danaha guud, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida gobolka, ilaalinta xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga badda, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, biyaha, beeraha iyo maalgashiga.