Xisbiga UCID Oo Hadhimo U Sameeyay Guurtida Somaliya Iyo Weedhihii La Is Dhaafsaday

0
622

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo Odeyaasha Dhaqanka ee Somaliya ee dhawaan dalka yimid ayaa dood adagi dhexmartay, iyada oo doodanina ku saabsanayd sababta ay dalka u yimadeen, xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya iyo qadiyada Somaliland.

Doodan ayaa timid kadib markii Xisibga UCID uu shalay Odeyaal Dhaqameedkan uu Qado Sharaf ugu sameeyey Ambasadoor Hotel. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Xasan Cismaan Aadan (Sabce) oo oo isagu markii hore dooda furay ayaa Madax Dhaqameedka iyo Odeyaasha Somaliya ka yimid ka codsaday inay marka hore ka hadlaan ujeedada ay dalka u yimadeen, kadib waxa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Odeyaashan sida Afhayeenka Madax Dhaqameedka Somaliya ee dalka ku sugan Maxamed Xasan Xaad, Axmed Sheekh Mukhtaar, Faarax Giindhe oo ah ganacsade odayaasha la socday iyo Faarax Cabdi Guure, waxayna dhamaantood ka marag kaceen horumarka balaadhan ee Somaliland gaadhay, nidaam wanaag dalka ka muuqda, nabadgeliyada iyo kala dambeynta dalka ka jirta iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhexmara Bulshada Somaliland iyo Somaliya.

Intaas ka dib ayaa Xisbiga UCID waxa ay Odeyaasha u sheegeen inay soo dhaweeynayaan oo gacamo furan ku qaabilayaan, balse waxa ay si adag uga hadleen in Qadiyada iyo Madax banaanida Somaliland ay muqadas tahay, Dawladduna aanay go’aan ka gaadhi karin, tahayna go’aan shacbi, waxaana halkaas ka hadlay Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinasiir Yuusuf CIsmaan, waxaanu sheegay in Bulshada reer Somaliland mid tahay, waxaanu yidhi “Ugu horeyn waanu idiin soo dhaweeynaynaa, waxaana idinku leenahay Somaliland ku soo dhawaada, anagu ka Xisbi ahaan, waxa aanu nahay Xisbigii ugu horeeyey ee dalka laga aasaasay, ahna Xisbiga ugu faca weyn Saddexda Xisbi ee dalka ka jira, waxa aanu nahay Xisbi Mucaarid ah, walibana Xisbiga ugu Mucaaradsan Dawladda, balse marka ay timaado Qadiyada Somaliland, meel ayaanu uga soo wada jeednaa, markaas waxaad liqaysaan in midow dambe aanu dhexmari doonin Somaliland iyo Somaliya, Inankii dhashay maalintii ay Somaliland gooni u istaagtay Maanta waa 23-jir, wax uu ka garanayo Somaliya ma jirto, waxa aanu ku dhegsan yahay qadiyada Somaliland, Bulshada oo dhamina waa mid, garabka ayeyna is haystaan, ka ugu sareeya ilaa ka ugu hooseeya”. 

Garaad Axmed Ciise oo  ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga UCID, oo isna halkaas ayaa si adag ula hadlay Odeyaasha Somaliya, waxaanu u sheegay inay Somaliland ku soo deg degeen, oo ay ahayd inay soo maraan Baydhaba, Kismayo iyo Puntland, oo uu sheegay inay arimo adagi ka taagan yihiin, Somaliland aan hadda looga baahnayn ee marka dambe yimaadan, sidoo kalena  waxa uu ka codsaday inay Madaxda iyo Bulshada Somaliya ay gaadhsiiyaan fariin ah inay Bulshada reer Somaliland ay ku taagan tahay Madax banaanideeda oo qudha iyp inay noqdaan Laba Dal oo jaar ah oo iskaashi dhexmaro.

Ugu dambeyntiina Odeyaashii waxa ay dhinaca iskaga leexiyeen in aanay wax badan ku mashquulayn arimaha Siyaasada, ee ay yihiin Odeyaal dhaqameed, u socda inay ku hambalyeeyaan Somaliland guulaha ay gaadhay, waxna ka bartaan nidaamka iyo kala dambeynta ka jirta Somaliland, balse waxa ay qireen inay tabashooyin badani ay jiraan,gaadhsiin doonana Bulshada ay ka yimadeen fariinta Xisbiga UCID ay u gudbiyeen.”