Wasladda Isku Dhegsan Ee Dahab Ah Ee Ugu Weyn Adduunka Oo Dhami Waa Albaabka Kacbada

0
630

Picture12

Makah (Geeska)- Albaabka kacbada sharafta badan ayaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay muuqaallada ugu quruxda badan ee masjidka xaramka Sharafta badan. Waa astaan muujinaysa hal-abuurka iyo farshaxanka Islaamiga ah ee ay hore iyo haddaba leeyihiin muslimiintu.

Albaabka Kacbada oo inta la og yahay ah wasladda dahab ah ee isku dhegsan ee ugu weyn dunida guudkeeda dahabka yaalla ayaa miisaanka dahabka uu ka samaysan yahay waa 300 oo Kiiloogaraam oo dahab saafiya ah, taas oo qiimo ahaan noqonaysa 3 Milyan iyo badh doolarka Maraykanka ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Cukaaz eek a soo baxa dalka Sucuudigu waxa uu intaas ku daray in Albaabka kacbada samayntiisa la waday muddo hal sano ah oo ku beegnayd xilligii uu boqortooyada Sucuudiga ka talinayey boqorkii la odhan jiray Khaalid Bin Cabdalcasiis Aala-Sacuud. Boqorku in albaabka kacbada sidan loo sameeyo waxa uu amray sannadkii 1977kii, nashqadda albaabkan iyo qaabka loo dhigayana waxaa ka qayb qaata tiro aad u badan oo ah xeeldheerayaal kala duwan. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in khubaradani ay muddo saddex bilood ah wadeen daraasaynta iyo ka fikirista nashqadda albaabka, iyaga oo doonaya in ay is-waafajiyaan nashaqadda dhismayaasha Islaamiga ah ee taariikhiga ah iyo casriyeyntiisa iyada oo weliba aan laga guurayn nashqaddii albaabkan asal ahaan loogu yimid. Aakhirkiina waxa ay dejiyeen nashqadda hadda ee albaabkan iyo in gebi ahaantiiba laga dhigo dahab saafi ah iyada oo dushana lagaga qorayo magaca Allaah (SWT), magaca Nebi Muxammed (SCW), Ashahaadda iyo aayado Qur’aan ah oo meelo kala duwan si qurux badan oo muuqata ugu xardhan.