Waar Run Ee Rumayso: Haweenay Ka Badbaadday Tareen Dul Maray

0
547

Lisbon (Geeska)- Haweenay u dhalatay dalka Portugal oo da’deedu ay tahay 77Jir ayaa soo baxday iyada oo bad qabta kadib markii uu dul maray Tareen. Wargeys dalkaas ka soo baxa ayaa qoray in “Mar ay gabadhan oo la yidhaahdo Maria doonaysay in ay ka talowdo jidka xadiidka ah Tareenka oo mara meel gurigeeda aan ka fogayn ay siibatay, kadibna ay hore u kici kari wayday xanuun xaglaha ku dhaca oo hayay awgii.

Waxa warku uu intaas ku daray in, haweenaydani ay jidhka dhexdiisa fadhiday iyada oo sugaysa cid garbaha qabata oo ka caawisa in ay kacdaa ay soo marto, laakiin waxa ay si kedis ah u aragtay tareenkii oo xawaare sare ku soo socda. Markii ay aragtay in aanay suurtogal ahayn in ay ka kacdo tareenka ku soo fool leh ayaa ay qaadatay go’aan geesinimo oo aad u fiicnaa. Inta ay labadii birood ee xadiidka dhexdooda oo dhulka ah jiifsatay ayaa ay aad hoos isugu yaraysay. Nasiib wanaag halka ay jiifsatay ee dhulka ah oo ka hoosaysay biraha tareenku marayo awgeed, habweenaydan iyada oo aanu waxba yeelin ayaa uu dul maray.

Mar dambe oo ay warbaahinta la hadashayna waxa ay tidhi, “Markii halkaa xaal marayay ayaan duco bilaabay aniga oo Ilaahayna ka baryay dambi dhaaf” laakiin bay tidhi, “Markii aan dareemay in Tareenkani i dul marayo iyada oo aad mooddo in aanu iba taabanayn ayaa ay rajo nololeed i gashay.Dad aad u tiro ayaa ku soo ururay gabadhan oo ay u haysteen in ay dhib weyn qabto, laakiin inta ay dalbatay in la sara kiciyo ayaa ay sidii caadiga u ahayd isaga dhaqaaqday iyada oo u sheegaysa in aanay wax dhib ah qabin.