Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
616

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

1. Waxa waajib kugu ah in aad caruurtaada iyo Carruurta aad ka masuulka tahay wax-barto khaladkana ka saxdo. Laakiin ma hubtaa in aad aqoon iyo waayo-aragnimo u leedahay waxa aad u sheegayso, goorta ugu habboon ee ay tahay in aad u sheegto iyo sida aad ugu sheegaysaba. Intaas oo dhan waxa ka horeeya in aad adigu isa saxdo inta aanad iyaga saxin.

2. Ha dhayalsan in aad wax barto hablahaaga ama kuwa aad walaalaha tihiin. Ogow in ku ay hablahani sii dhalaan ay yihiin kuwa leh mustaqbalka.

3. Haddii aad rabto in Ehelkaaga iyo Ubadkaagu ay daacad kuu noqdaan adigu kaga horreee oo tus daacadnimo.

4. Marka aad hadyad siinayso Ubadkaaga, ha u kala horreysiin ama mudnaysiin Dhedig iyo Lab ee u kala horraysii sida ay u kala da’ weyn yihiin.

5. Korinta iyo barbaarinta hablaha ha dhayalsan. Sida Nabigeeni Muxammed laga soo weriyo, Qofka koriya, Edbiya, Jeclaadana laba hablood waxa uu galayaa Jannada. Haddii ay ka bataanna ajar ayaa ay la badanayaan.

6. Inantaada ama ta aad ka masuulka tahay marka ay gaadho da’da guurka, bar in aanay wax ku saabsan nolosha kaala khajilin, ka caawi xulashada Ninka ay guursanayso. Ha ku dirqiyin ku aanay rabin, kalana feejignoow ka hororka iyo Ninka xun.

7. Carruurtaada bar sida loo qaddariyo loona xushmeeyo dadka kale. Iyaga oo kula jooga cid aad u cadhaysantahay ha caayin hana xaqirin.

8. Aqoon aan wadan Edeb, Xushmayn, Dhaqan wacan, iyo Niyad wanaagsani waxba ma tarto. Laakiin, nasiib darradu waxa ay tahay in aan waxaas lagu dhigin dugsiyada, sidaa awgeed adigu ubadkaaga guriga ku bar dhaqanka wanaagsan gaar ahaan inta aanay gaadhin da’da waxbarashada.

9. Aqoontu da’ ma laha wax xaddidaana ma jiraan. Caruurtaada ha barin kaliya sida loo xoogsado ee bar sida loo noolaado.

10. Aqoontu da’ ma leh, wax xaddidaana ma jiraan. Caruurtaada ha barin kaliya sida loo xoogsado ee bar sida loo noolaado.

11. Waxba ha ku riyaaqin guulahaaga, naxariistaada iyo caannimadaada, waayo haddii aanad u wanaagsanayn waalidkaa sinnaba kuma nabad galaysid.

12. Waalidku waxa uu kaa mudan yahay ixtiraam iyo qaddarin, marka ay waynaadaan ama ay bukaan ayaanay ugu baahi badan yihiin ixtiraamkaaga ee la ogow. Waligaa codkaaga kor ha ugu qaadin (ha ku qaylin) una ducee mar walba.