Guddiga Doorashada Oo Doortay Hoggaan Cusub, Xilkiina La Wareegay

0
668

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddida cusub ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa si rasmiya xilkii ugala wareegay Guddidii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kadib markii la dhaariyey iyagoo silaa shalay doortay guddoomiyaha oo ay u doorteen Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Munaasibadii ay xilka kula wareegayeen Guddida Komishanka Doorashooyinka ee cusub, oo Shalay ka dhacday Xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxa Munaasibadaas ka soo qeyb galay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran, Akadamiyada, Guddida cusub ee Komishanka Doorashooyinka, Guddidii hore, Marti sharaf iyo dad aad u badan, waxaana ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay Agaasimaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, oo  Munaasidaas ka sheegay waxyaabaha kala duwan ee ay Komishankii hore ay ku wareejinayaan Komishanka cusub, waxaanu xusay in Komishankii hore aanay wax dayn ah ka tagin, waxa uu sidoo kale uu xusay inay jiraan 15-gaadhi, oo Komishanku leeyahay ,oo Saddex qudhi ka shaqeeyaan, inta kalena ay u baahan yihiin dayac tir, waxa oo uu xusay in Shaqaalaha Komishanka ay yihiin 35-Shaqaale, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey Komishankii Doorashooyinka ee hore uu tilmaamay inay si aad iyo aad u fiican xilkooda u guteen.

Cabdiraxmaan Dixood oo isna ka mid ah Guddidii Komishanka Doorashooyinka ee hore oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka ee cusub uu u rajeeynayo inay  ka sii ambaqadaan halkaas ay kaga tageen, mar walbana isku duubnadaan, oo xilkooda si daacadnimo ku jirto u gutaan, waxaanu sidoo kale xusay inay jiraan daymo aad u badan oo ay ka tageen Komishankii Doorashooyinka ee iyaga ka horeeyey, isla markaana ay awoodi waayeen inay bixiyaan.

Intaas ka dib waxa Munaasibadaas ka hadlay Siciid Cali Muuse oo ku hadlayay magaca guddiga cusub ee doorashooyinka oo uu xubin ka yahay, waxaanu halkaas kaga dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka ay iska dhex doorteen Guddida komishanku, waxaanu sheegay in Guddoomiyaha ay u doorteen Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, halka Gudoomiye xigeen ay u doorteen Md. Maxamuud Xasan Wacays (Saygoon).

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu sheegay inuu aqoon u leeyahay Guddida Komishanka Doorashooyinka ee cusub, “Waad arkayseen in aanu kacnay markii la sheegay hogaanka cusub ee Komishanka, Komishan ahaan anagu Todoba qofba waanu soo dhaweeynaynaa, aad iyo aad ayaanu u baarigaynaa, badankooda waanu naqaana, waa dad muxtarim ah, ILLAAHAY SWT waxa aanu ka baryaynaa inay  noqdaan Komishankii waara, oo mar dambe la bedelin, oo ILLAAHAY hawshooda u fududeeyo, oo Doorasho wanaagsan oo aan la iku qabqabsana inoo qabta, hogaanku waxa uu ka yimaada Guurtida iyo saddexda Xisbi, Xisbiyada Mucaaradkuna hal qudha ayey leeyihiin, waanu iska ogalaanay inkasta oo xeerkaasi uu jiro, oo aanu isku daynay in aanu dhawr jeer bedelno, dib ayey nooga dhacday, habka hogaanka loo sameeynayeyna dareen ayaanu ka qabnaa, waxaana jeclahay in aanu dareenka Komishanka u gudbino, kana xaajoono, wax kale oo dhibaato ahina ma jiro, Safarkooda Beri (maanta), waxa aan waxa aan kula dardaarmayaa, in beesha Caalamka 75%, ayey bixiyaan Lacagta ee waxa aan kula dardaarmaya inay si wanaagsan ula shaqayeen,wixii talaabo ah ee shaqo ahna in aanu si wada jir ah ula shaqayno, Saddexda Xisbina waa u dhex ”.

Xoghayaha guud ee Xissbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xisbiga Waddani waanu soo dhaweeynaynaa Komishanka Qaranka, waxaana ku rajo weynahay inay si cadaalad ah u hagi doonaan Doorashooyinka marka la gaadho, Xisbiyada Qaranka inay midayn doonaan oo si cadaalad ah u hagi doonaan, aad iyo aad ayaanu ugu kalsoonahay, balse dareen ayaanu ka qabnaa sida loo sameeyey hogaanka, dareenkaasna waxa aanu u gudbin doona Komishanka, wax dhib ahina ma jiro”.

Guddiga cusub ee doorashada ayaa waxa sugaysa hawl culus oo baaxad leh, waxaanay shacabku ka sugayaan inay 26 June 2015 qabtaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada.