Talefanka Cusub Ee Galaxy S8 Oo Ceebi Ku Soo Baxday Iyo Samsung Oo Markii Labaad Dhirbaaxo La Kulantay

0
697

Washington (Geeska)- Waxa ay u muuqataa in weli xiddigu ka fooraro shirkadda caanka ah ee Samsung, kadib markii ay fadeeaxad labaad ku soo baxday wax-soo-saarkeeda talefannada gacanta, gaar ahaan talefankeedii ugu dambeeyey.

Shirkadda oo hore weji gabax kala kulantay suuqyada tartanka dunida markii talefankeedii Note 7 isla markii uu soo baxayba lagu arkay ceeb weyn oo ah in uu iska gubanayo, taas oo shirkadda ku kalliftay in ay dib suuqyada uga gurto iskana joojiso soo saarita nuskhaddaas, ayaa waxaa markii labaad lagu arkay ceeb hore leh oo ku timid talefankeedii kaas ka dambeeyey ee Galaxy S8 oo isaguna toddobaadkii hore uun soo baxay.

Galaxy S-8 oo ah talefanka ugu casrigan dunida ee illaa hadda jira waxa uu leeyahay adeeg cusub oo ah in qofku uu ammaan ahaan talefankiisa fure uga dhigo muuqaalka wejigiisa, oo marka koowaad ee uu talefanku arko uu sawirkaas xafidayo, kadibna wixii dambe marka uu qofku furayo uu keliya wejigiisa ku yara beegayo kamaradda talefanka kadibna talefanku inta uu garto is furayo.

Macmiil iibsaday talefankan ayaa ogaaday in aanu talefanku qofka wejigiisa oo keliya ku furmayn, balse lagu khiyaamayn karo haddii sawirka qofka la hor dhigo kamaraddiisa, sidaasna uu isku furayo.

Arrintan ayaa naxdin weyn ku noqotay shirkadda oo aan weli si fiican uga soo kaban ceebtii ku timid talefankeedii hore, laakiin weli waxaa jirta rajo laga qabo in ay ceebtan ka guulaysan karto, waxa aana laga yaabaa in iyada oo aan talefanka suuqyada dib uga soo ururin sidii hore u dhacday, ay markan wax ka beddel iyo xoojin uun ku samayn doonto barnaamijka Android ee uu talefankani ku shaqaynayo, kaas oo wixii lagu daraa ay si toos ah qof kasta talefankiisa ugu shubmi doonaan marka uu internet galo, sidaasna ay cilladan ku daweyn doonto.