Lenin 20 Sano Ka Hor Ayaa Uu Noqday Naafo Gaadhi- Curyaan Saaran, Laakiin Taasi Kama Ay Reebin Noloshii Oo Maanta Waxa Uu Noqday Madaxweynaha Dalkiisa

0
648

Quito (Geeska)- Toddobaadka soo socda waxa xilka madaxweynaha dalka Ecaudor loo dhaarin doonaa Lenin Moreno oo ah nin naafo ka ah qaarka dambe oo ku socda gaadhi curyaan, arrintaas oo rajo badan gelisay dadka u dooda xuquuqda dadka naafada ah oo sheegaya in ay dhiirigelin fiican u noqon doonto naafada dunida.

Lenin oo da’diisu ay 64 sano jir tahay ayaa 20 sano ka hor uu qaarka dambe bakhtiyey kadib markii xabbad kaga dhacday labada lugood oo neerfayaasha dhaawacday ay naafo u horseedday, xilli ay kooxo budhcad ahi isku dayayeen in ay boobaan dukaan ay isaga iyo xaaskiisu wax ka iibsanayeen.

In kasta oo uu soo maray xaalad adag oo caafimaad, aakhirkii waa uu bogsaday waxa aanu go’aansaday in aanay naafonimadu noqon dhammaadka noloshiisa, isaga oo qoray qiyaas 10 buug oo dhammaantood uu siyaabo kala duwan uga hadlayo dhiirrigelinta dadka iyo in niyadwanaagga aan laga tegin. Lenin Moreno waxa uu hore u ahaan jiray ergayga qaramada midoobey ee arrimaha naafada, ka hor intii aanu u go’in dhinaca siyaasadda.

Si kastaba ha ahaato ee Lenin Moreno ma noqonayo hoggamaiyihii ugu horreeyey ee isaga oo naafo ah qabta xilka madaxnimo ee dalkiisa. Madaxweynihii 32-naad ee Maraykanka Franklin Roosevelt ayaa isna sidan oo kale ahaa naafo ku dhaqdhaqaaqa gaadhi curyaan, kadib markii isaga oo carruur ah uu ku naafoobay cudurka dabaysha, waxa aanu ka mid yahay madaxweyneyaasha taariikhda fiican ku leh dalkaas oo aad loogu bogaadiyo sidii uu dalkiisa ugala dabbaashay dhaqaale xumo badan oo jirtay iyo dhibaatadii dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxweynaha la doortay ee Ecuador ayaa isla markii xilka loo doortay Axaddii toddobaadkan waxaa dhambaallo hambalyo ah oo tiro badan u soo diray hayadaha arrimaha naafada ka shaqeeya ee daafaha dunida. Si kataba ha ahaato ee Lenin Moreno kuma cusba mansabka siyaasadeed oo muddadii u dhexeysay 2007 illaa 2013 waxa uu noqday madaxweyne ku xigeenka Ecuador, waxa aana lagu xasuustaa sidii uu muddadaas isaga xil saaray wanaajinta nolosha dadka naafada ah ee dalkiisa.