Sidee Loo Xallin Karaa Xinfiltanka Walaalaha Iyo Loollanka Joogtada Ah Ee U Dhexeeya

0
306

Hargeysa (Geeska)- Xinflitanka iyo loollanka u dhexeeya carruurta walaalaha ah oo marar badan gaadha in ay gacanta ka wada hadlaan, waa mid aan dhammaad lahayn. Mararka qaarkood waxaa dhacaysa in ay ku sigtaan in wax kastaa uu khilaaf ka dhex abuuro, waaba suurtagal haddii uu fahmayo in uu midkood isaga oo walaalkiisa kale ka ashkatoonaya odhan lahaa, “Waxa uu neefsanayaa hawada aan anigu neefsanayo”

Waa muran joogto ah oo mararka qaarkood aanay jirinba sabab uu ka bilowdaa, si joogto ah ayaa uu u soo noqnoqdaa xuduud iyo xakamana ma laha, taas oo mararka qaar keenta in waalidku cadho iskala garan waayo oo midkood ama labadoodaba ciqaabo.

Waa sababta marar badan looga digo in waalidku uu gaadhiga mar ku wada qaado ubadkiisa, gaar ahaan marka uu gaadhigu cidhiidhi ku yahay carruurta oo badan awgeed, ama mararka qaarkood aanay ku heshiinayn in iyaga oo laba ah ay nabad ku wada fadhiyaan meel afar ruux oo waaweyn ku filnaan lahayd.

Waxa ay mararka qaarkood waalidku u qaataan in dabeecadda noocan ahi ay tahay mid ubadkooda ku koobaan, markaasay ku canaantaan in ay dad xun yihiin oo carruuraha kale ka fiican yihiin. Waxa ay cadhadoodu sii badataa marka inta ay carruurtu bannaanka u baxdo ay arkaan ilmahoodii oo carruuraha kale si dabeecad wanaag iyo saaxiibtinimo ah ula ciyaaraya, waxa aanay u qaataan ama ku canaantaan in uu yahay qof dadkiisa neceb oo shisheeyaha la farxa. Laakiin dhakhaatirita cilminafsiga carruurtu arrimahaas lama qabaan waalidka.

Nermiin Al-Halbaawi oo ku xeeldheer tarbiyada carruurta iyo cilmiga bulshada ayaa shabakadda Aljazeera u sheegtay in loollanka iyo khilaafka carruurtu  uu joogsado marka ay koraan. Iyada oo ka hadlaysa sababaha keenana waxa ay Nermiin sheegtay in carruurtu inta ay ka yar tahay 12 sano jirka, waxa ugu badan ee ay isku dilaan ay tahay in ay soo kala jiitaan dareenka waalidka. Xitaa haddii ay u arkaan in sida ay dareenka waalidka ku heli karaan ay tahay in ay dagaalamaan.

Dagaalkaasi waa isku day uu ilmuhu doonayo in uu helo daryeelka iyo jacaylka uu aaminsan yahay in uu walaalkii ka haysto waalidka, isaga oo dareemaya in walaalkii ama walaashii arrintaas ka badsaday.

Nermin waxa ay ku talisay in xalka ugu fiicani uu yahay in waalidku uu carruurta mid kasta gaarkiisa waqti ula qaato, si uu u dareensiiyo kalgacal iyo in uu muhiim u yahay, waayo ilme kastaa waxa uu baahi aad u daran u qabaa in uu kelidii waalidkii u helo waqti ku filan in uu dareemo kalgacalkiisa. Waxaa iyaduna muhiim ah in waalidku uu adeegsado ereyada kalgacalka iyo jacaylka muujinaya, si ilmaha dareenkiisa uu u buuxiyo.

Haddii ilmaha la dareensiiyo jacayl buuxa oo waalidkii u hayo, waxaa yaraada khilaafka uu la gelayo walaaladii waayo uma baahna in uu dareenka waalidka uu dhankiisa ku soo jeediyo.

Xeeldheere Nermin waxa ay sheegtay in uu waqti lumis yahay dadaalka ay mararka qaarkood waalidku u galaan in ay fahmaan sababta khilaafka ee labada carruur ah, ama in ay u garnaqaan oo midkodo qaladka saaraan, lagana yaabo in ay ciqaabaan. Waayo marnaba arrintani xalka ma keenayso ee khilaafkii halkiisii ayaa uu ka sii soconayaa. Tallaabadani waxa ay keliya ee ay tartaa wa in khilaafkii daqiiqadahaas taagnaa ay xal u hesho, lagana yaabaa in shan daqiiqo gudahood uu xalku mar kale halkiisii ku soo noqdo. Xalku waa in ilmaha la siiyo waqti lala ciyaaro, waqti loo sheekeeyo iyo waqti isaga oo kelidii ah la dareensiiyo jacayl dheeraad ah oo loo hayo. Sida oo kale waa in uu waalidku barto in carruurta oo wada jirta uu mararka qaarkood dhammaantood u sheekeeyo lana wadaago jacaylka uu guud ahaantoodba u hayo.

Khilaafka carruurta 12 sano jir ka weyn

Sida ay Sheegayso Nermin Al-Halbaawi muranka iyo khilaafka carruurta da’doodu ka weyn tahay 12 sano jir, waxaa inta badan keena sababo kala duwan. Waxaa ka mid ah ilmaha oo dhaqan ahaan aan ixtiraamin xuduudda dadka kale, taas oo macnaheedu yahay in aanu kala garan ama si badheedh ah uga gudbo xuduudka qaybiya qofka kale, tusaale ahaan in uu ku xad gudbo waxyaabaha qofka kale u gaarka ah, ama in uu wax qof kale leeyahay iska qaato isaga oo aan fasax u weydiisan.

Xaaladdan waxaa waalidka la gudboon in uu qaato kaalintiisii ahayd edbinta iyo barbaarinta ilmaha. Waa in ilmaha la baro xeerarka ixtiraamka dadka kale iyo hantidooda, sida oo kale waa in uu waalidku soo saaro xeerar ubadkiisa u gaar ah oo uu ku kala xadaynayo wax uu qof kastaa gaar u leeyahay, xeerarkaasina ay noqdaan kuwo guriga oo dhan ka dhaqan gala.

Jacayl ayaa ah dawada nabadgelyo guriga lagaga dhalin karo

Nermin waxa ay sheegaysaa in jacaylka iyo daryeelka, ama dareenka danaynta ah oo xubnaha qoyska ka dhex maqnaadaa ay ka mid tahay sababa keena muranka ubadka.

Waa run oo waalidka oo dhami waa ay jecel yihiin ubadkooda, laakiin dhibaatadu waxa ay ka taagan tahay qaabka uu waalidku u cabbirayo jacaylkaas oo lagu kala fiican yahay. tusaale ahaan waalid badan ayaa aan aqoonin sida ay jacaylkooda ugu bedeli karaan hab uu ilmuhu fahmi karo. Waxaa iyaduna muhiim ah jacaylka ka dhexeeya hooyada iyo aabaha oo carruurta u ah halbeeg ay ku daydaan. Waayo ilmuhu haddii uu arko jacaylkaas labadiisa waalid, waxaa ku abuurmaya xasiloon nafsadeed iyo dareen ah in uu ammaan ku jiro. Haddii se labada waalid khilaafkoodu yahay mid ubadku ogyahay, waxaa sii kordhaya khilaafka carruurta ka dhexeeya.

Ilmuhu waxa si xeeldheer ula socdaa habdhaqanka u dhexeeya labada waalid, sida ay isugu jawaabaan, sida ay isaga dareen celiyaan arrimaha ay isku diiddan yihiin, sida uu midkood ugu xad gudbo xuquuqda midka kale, sida uu midkood kan kale u daandaansado, nooca dooddooda iyo midka xumaynaya ama sii kululaynaya doodda, sida ay u kala aargoostaan, kaddibna waxa ay ka dhigtaan duruus ay iyaguna dhexdooda isku tijaabiyaan, habkaas ayuun baana noqda habka runta ah ee ay u macaamilayaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.