Soomaaliya Oo La Sheegay Inay Faro-gelin Ku Bilowday Doorashada Somaliland

0
73

Hargeysa (Geeska) – Ka dib, markii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL uu muddeeyay xilliga la qabanayo doorashada isa-saarka ah isla-markaana uu Madaxweynuhu saxeexay, ayaa waxa weerar iyo shaki-gelin Lid ku doorashadaasi bilaabay Madaxda Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo ka xun horumarka Somaliland ka samaynayso dhinaca dimuqraadiyadda.

Cabdishakuur Cabdiraxmaan Warsame oo Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gargaarka dadka tabaalaysan, ayaa ka mid ah Madaxda Soomaaliya ee doorashada Somaliland sida khaldan uga hadlaya.

Warsame oo doonaya inuu Shacabka Somaliland shaki ka sii geliyo doorashada la muddeeyay, ayaa qoraal uu baahiyey ku yidhi “Waxaa bogaadin mudan guddiga

doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas.

Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo.

Waa doorasho muuhiim u ah Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo ay teeda haysato ciddii ay taageertana culays ku tahay, maadaama aysan tabar dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo faragelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada.

Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u baahan

xikmad, dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajaho mitid-dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.”ayuu qoraalkiisa ku yidhi, laakiin Shacabka Somaliland ayaa iyagoo fahamsan danfa Siyaasigan, waxay iswaydiinayaan sida Nin ka mid ah Madaxda Dawladda Soomaaliya uga hadli karo doorashada Soomaaliya.