Xukuumadda Somaliland Oo Madaxweynaha Soomaaliya Si Gaar Ah Ugu Eedaysay Inuu Amray Dilkii Cabdinaasir Dahable Loogu Geystay Muqdisho

0
128

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda JSL,  ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu amray dilka aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo Xamar lagu dilay bishii February ee sannadkan. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in dilka Cabdinaasir uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Waxa uu sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cida dilka gaysatay isaga oo sheegay in 7 nin oo budhcad ah loo adeegsaday dilka Dahable.

“Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan mujrim, waxa aynu ka warhaynaa in danbiilayaasha dadka laaya la sii daayo, kadibna dad kale oo masaakiin ah oo kasoo jeeda Baydhabo, Jilib ama Shabeelada Hoose ayaa la soo qabtaa oo lagaga hadliyaa” ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, Waxa uu ka hadlay dhallinyaro 5 ah oo Muqdisho ugu xidhan dilka Dahable, kuwaasi oo dhawaan la sheegay in jidhdil loo gaystay, isaga oo sheegay si arxan daro ah loola dhaqmay.

“Waxa aanu ogaanay in 5 tii inan ee Cabdinaasir la shaqaynayay in ay maalin walba xiniinyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha ka saarayaan, oo dhagaha kaga qabanayaan, oo ay figaynayaan” ayuu yidhi Wasiirku.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay baadhis ku hayso dilka dahable, iyada oo xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhallinyaradii ay isku shaqada ahaayeen Dahable.