Dawladda Soomaaliya Oo Ku Jaho-wareertay Socdaalka Madaxweyne Biixi Ee Dalka Guinea, Jawaabta Somaliland Iyo Aragtida Khubarada Diblomaasiyadda

0
856

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay jaho-wareer ka qaaday socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joogo magaalada  Conakry ee dalka galbeedka Afrika ee Guinea.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku dhawaaqay inay dawladda Guinea u jareen xidhiidhka diblomaasiyadeed, ka dib markii ay dawladaasi si maamuus leh u soo dhawaysay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Alpha Condé.

Wasiirka khaarajiga Soomaaliya ayay BBC weydiisay bal inay wax safaarad ah ku leeyihiin dalka ay xidhiidhka u jareen waxaanu yidhi “Maya safaarado iskuma lihin laakiin waa dal qaarada Afrika ka mid ah oo xidhiidh aan lahayn, waxa jira dalal badan oo aan xidhiidh leenahay in kasta oo aanay safaarado jirin. Xidhiidhku kuma xidhna kaliyaata safaaradaha xidhiidhku faraqyo badan ayuu ku jiraa waa dal aanu Afrika ka wada tirsan nahay oo ururka dalalka Isaamka aanu ka wada tirsan nahay markaas xidhiidhkii labadayada dal ka dhaxeeyay ayaa xumaaday oo aanu anaguna cabirnay.”

Mar kale waxa la weydiiyay sababta ay Kenya xidhiidhka ugu jari waayeen, waxaanu yidhi                           “ Kenya waa nooga duwantahay Guinea xidhidho badan ayaa naga dhaxeeyay, wax is dhaafsi badan ayaa naga dhaxeeyay markaas malaa sabir dheeraad ah ayaanu u muujinay Kenyana xidhiidhkayagu caynkuu ahaa iyo darisnimada naga dhaxaysa awgeed.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon oo isna u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa nasiib darro ku tilmaamay talaabada dawladda Soomaaliya, “Arintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la leedahay  Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.”

Wasiir Faratoon ayaa intaas raaciyay “Waxay noo muujinaysaa oo cadaan ah cadaawad iyo kalafogaansho cusub oo ay noo bilowday inay tahay inay heerkaas gaadhsiiso caalamka cidii aan wada hadlaynay ama xidhiidh lahayn inay ku talaabsato cilaaqaadka ayaan u jarayaa waxaan u aragnaa cadaawad, waad ogaydeen oo maalin dhawayd ayaa laysku kaaya keenay oo la doonayay inaan ka wada hadalno cilaaqaadka iyo waxii xidhiidh aan yeelan karno way gooyeen maantana tan ayay ku dareen dagaalkaas cad inaan u aragno inay dagaal noo bilaabeen iyo kala fogaansho aanan diba isugu iman karin ayaanu rabnaa inaan cadayno.”

Geesta kale dad badan oo falanqeeya xidhiidhka caalamiga ah ayaa arrin la yaab leh ku tilmaamay talaabada ay dwladda Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay dalka Guinea oo aanay lahayn wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah, iyadoo aanay xataa safaarado is dhaafsan labada wadan. Dadka falanqeeya diblomaasiyadu waxay aaminsanyihiin in talaabada ay dawladda Farmaajo xidhiidhka ugu jartay Guinea oo aanay wax xidhiidh iyo cilaaqaad ah la lahayn ay u abuurayso dawladiisa cadaawad hor leh, iyadoo ay jiraan dalal Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ka dhaxeeyaan dacwado culusi. Waxa ay khubaradu aaminsanyihiin in talaabada dawladda Farmaajo ahayd mid jaho-wareer ah oo ka dhalatay siyaasadaha aan fadhiyin ee hoggaamintiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa la ilayaa inuu Axadda beri ku soo laabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana la filayaa in shacabka oo ka jawaabaya talaabada dawladda Soomaaliya ay si diiran u soo dhawayn dooaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here