Jabuuti Oo Si Taxader Leh Uga Hadashay Heshiiska Somaliland La Gashay Itoobiya & Xidhiidhka Labada Dal Ee Xilligan

0
73
Jabuuti Oo Sheegtay Inay Ka Xumaatay In Madaxweyne Biixi Aanu La Wadaagin Xogta Heshiiska Itoobiya, Kaasi Oo Dhacay Maalin Ka Dib Kulankii Geelle Uu Jabuuti Ugu Qabtay Somaliland & Soomaaliya

USA (Geeska) – Dawladda Jabuuti, ayaa mar kale ka hadashay heshiiska Dawladda Somaliland la gashay Itoobiya, kaasi oo dhigaya in Itoobiya aqoonsato Somaliland, taa beddelkeedana Itoobiya ay saldhig Ciidan ka samaysato badda Somaliland. Dawladda Jabuuti oo hore Wasiirkeeda Arrimaha dibedda Maxamuud Cali Yuusuf u sheegay inay ka soo horjeeddo heshiiska aqoonsiga iyo badda ee dhex maray JSL iyo Itoobiya, ayaa Wasiirkeeda Maaliyaddu sheegay War cusub, kaasi oo ah in  Somaliland u madax-banaan tahay Arrimaheeda gaarka ah isla-markaana ay bogaadinayso inay muddo dheer iyadoon la aqoonsanayn shaqaynayso, haddana ay ka xun yihiin inaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu heshiiska Itoobiya la socodsiinin Dawladda Jabuuti, maadaama oo heshiiska Addis Ababa uu dhacay Maalin ka dib kulankii Madaxweyne Geelle uu Jabuuti ugu qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo isagoo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Somaliland xaq u leedahay inay danaheeda ka shaqayso, balse aanu Madaxweyne Geelle mudnayn in kulankii uu u qabtay Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

oo aan midho-dhalin ay Somaliland qaado Tallaabo lid ku ah isla-markaana aanay la socodsiin Madaxweyne Geelle oo dalkiisa marti loo ahaa.

Wasiir Ilyaas Muuse Dawaale oo la waydiiyey in heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya uu waxyeelay xidhiidhka Jabuuti la leedahay Somaliland, ayaa sheegay in aan wax dhibaato ahi jirin, Jabuutina ay heshiiska ka hor Somaliland ka caawinaysay sidii Beesha Caalamku uga taageeri lahaayeen dhismaha jidka Boorama illaa Kalabaydh, iyo jidad kale.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti oo la waydiiyey in heshiiskaas ka dib, wax xidhiidh ahi dhex maray Geelle iyo Biixi, ayaa sheegay in Dawladuhu siyaalo kala gedisan u xidhiidhaan, laakiin mar walba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay inuu calool-xaadho Madaxweynaha Jabuuti. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha dibedda

iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka, ayaa isaguna waraysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu kaga jawaabay hadalka Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Wasiir Kayd wuxuu sheegay In heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya aanu ahayn wax jawaab u ah kulankii labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaliya uu Jabuuti ugu qabtay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isaguna ka hor shirka Jabuuti uu uu Wasiir ahaan muddo 4 bilood ah ka shaqaynayey heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku dhex maray Magaalada Addis Ababa 1-dii January 2024.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi oo gudanaya waajibaadka ka saaran fulinta danaha Somaliland ee uu u dhaartay uu hehsiiskaasi la galay Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed Cali, iyadoo ujeeddadu tahay ka midho-dhalinta

danaha Somaliland, iyadoon cid kale danahooda duulaan lagu ahayn. Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo la waydiiyey wuxuu ku qiimayn karo xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti ee xilligan, ayaa sheegay in aanu arkaynin wax dhibaato ah, maaddaama oo labada dal iyo labada Ummadood yihiin kuwo jaar ah oo aan kala maarmin.