“Cadaawada Fog Iyo Xaasidnimada Farmaajo Ee Hadda Soo Baxday Awalba Way Inagu Socotay”

0
725

Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Somaliya inuu dagaal qarsoon kula jiray Somaliland, dagaalkiina uu hadda soo if baxay, waxaanu tilmaamay in aanu waxba ka qaadaynin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, u waramay ayaa sidoo kale baaq u diray Xukuumadda, Xisbiyada iyo guud ahaan Shacabka Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Somaliya, dagaal buu kula jiray Somaliland, cadawada fog iyo xaasidnimada farmaajo ee hadda soo baxday, awalba wey inagu socotay, oo wey qarsoonayd, dharigana waxaa kulka ka keena waa dabka, markaas Farmaajo iyo Maamulkiisaba waxaa cadaawadan ka keenay waa u quudhitaan ay inoo quudhi la yihiin dawladnimadeena iyo waxaynu qabsanay, Farmaajana waxba uma dhimi karo xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, wax alaale wuxuu inaga qaadayana ma jirto hadduu Safiiro iyo Madaxweynayaalba iskugu yeedho isaga ayey nusqaan iyo karaamo daro ku tahay”.

Mar ka hadlaayey Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa wuxuu yidhi “Xidhiidhka aynu la yeelanay Gini  waa mid inoo soo kordhay, Socdaalka Madaxweynahana waa mid loo baahnaa,  waana in albaab kasta oo danteenu ku jirto garacnaa oo aqoonsigeena cid kasta iyo dal kastaba u soo bandhignaa”.

Mar uu baaq u diraayey Xukuumadda, Xisbiyada iyo Shacabka ayaa yidhi “Xisbiyada, Xukuumadda iyo guud ahaan Shacabka Somaliland waxaa la inooga baahan yahay in wax kasta oo gudaheena ah aynu meel iska dhigno, xalna ka gaadhno oo cadaawadaas iyo dibadda inagaga socota aynu u midawno sidii aynu ugu waaji lahayn si wada jir ah, Shacabka reer Somaliland ee kala jooga daafaha dunida waa inay qaranimadooda u midaabaan, oo ay meel uga soo wada jeestaan, astaanta dalkoodana mar walba muujiyaan, una soo bandhigaan dal kasta oo ay joogaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here