Siddeedii Saadaalood Ee Ugu Xumaa Dunida Tiknoolajiyadda Iyo Sida Ay U Beenoobeen (Q:3aad)

0
594

Hargeysa (Geeska) Qormadan oo ah tii 3aad uguna dambaysay, waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa adeegyo iyo aalado tiknoolajiyadda ka mid ah oo imika dunida si aad ah looga isticmaalo, balse markii hore dadkii akhtiraacay ama ka ganacsanayey ay saadaaliyeen in aanay sidaas u caan noqon doonin, isticmaalkooduna aanu heerkaas gaadhi doonin.

6. “Talefishannadu lix bilood oo dambe siima haysan karaan suuq kasta oo iib oo ay helaan, lix bilood kadib dhaqso ayaa ay dadku uga daali doonaan in ay habeen kasta aaladdan shidaan” Sidaa waxaa yidhi Darryl Zanuck oo ahaa filim soo saare Maraykan ah oo noolaa intii uu dhaxaysay 1902kii illa 1979ii. Waxa aanay ahayd sannadkii 1946kii oo uu aaminsanaa in  talefishannada oo markaa cusbaa ay dadka dunidu aakhirka isticmaalkooda iska deyn doonaan, laakiin taasi waa ay beenowday oo waxa ay noqdeen aalad loo adeegsado, maararrowga, (Filimada iyo Ciyaaraha) iyo sidoo kale la socoshada dhacdooyinka kala duwan ee dunida, guri kasta iyo inta badan ee xafiisyada dunidana waa uu yaallaa.

7. T. Craven oo ahaa sarkaal sare o oak tirsanaa ciidamada badda ee dalka Maraykanka, Markii dambana ahaa guddoomiyaha Komishanka Isgaadhsiinta Federaalka, kana mid ahaa saynisyahankii wax ka curiyey ikhtiraaciddii isgaadhsiinta iyo raadyaha, ayaa mar uu saadaalinayey suurtogalnimada mustaqbalka in dayax-gacmeedka cirka loo ganayey looga faa’idaysto isgaadhsiinta talefannada iyo war-laliska idaacdaha, gaar ahaan gudaha Maraykanka isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ma jirto fursad muuqata oo bidhaaminaysa in dayax-gacmeedka gudaha Maraykan looga isticmaali doono adeegyada talefanno fiican, taarka, Talefishannada iyo idaacaddaha” Laakiin taasi waa ay dhacday oo dayax-gacmeedu waxa uu noqday aaladda keliya ee Maraykanka iyo dunida kale oo dhan fududeeya isgaadhsiinta noocyadeeda kala duwan oo mara.

8. Nathan Myhrvold  oo dhashay sannadkii 1959kii, horena u ahaan jiray madaxa tiknoolajiyadda e shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa mar uu bilowgii shirkadda Apple ka faalloonayey, waxa uu yidhi, “Apple waa ay dhimatay” isaga oo uu jeeda in aanay muddo badan sii shaqayn karayn ama halka ay markaa joogtay sii dhaafi karayn, maadaama oo wixii ay samaynaysa shirkado badan oo kale la barteen suuqana la soo galeen. Lakiin sidaas uma ay dhicin oo shirkadda Apple maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii xoogaysataa. Dhammaad.