Geeska Afrika Oo Helay Digreeto Uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ku Dhaqan Geliyay In Mar La Wada Qabto Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada

0
595

Picture4

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa toddobaadkan si rasmi ah u dhaqan geliyay in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada, ka dib markii ay golaha wakiiladu isku raaceen in mar la wada qabto doorashooyinkaas.

Digreeto Madaxweyne oo uu Madaxweynuhu toddobaadkan gaadhsiiyay golaha wakiilada, wargelina siiyay xisbiyada qaranka iyo golaha guurtida oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, ayaa wuxuu madaxweynuhu sheegay in xukuumadu miisaaniyada sannadka 2015 ku dartay qaybta kaga soo hagaagtay kharashka doorashooyinka. Qoraalkiisa digreetada madaxweynaha ahi, wuxuu Madaxweynuhu ku yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markuu arkay qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, markuu tixgeliyay, qoraalka go’aanka golaha wakiilada ee sumadiisu tahay GW/G/44/252/2014, kuna taariikhaysan 01/10/2014, ujeedadiisuna taay in hal mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Isagoo maanka ku haya in xukuumadu miisaaniyadda 2015-ka ku dartay saamiga xukuumadu bixiso kharashkii qabashada doorashoyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada, wuxuu go’aamiyay in doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada hal mar la wada qabto.”

Warqada Madaxweynaha ayaa waxay ku taariikhaysantahay 01/10/2014 oo ah maalintii ay golaha wakiiladu soo jeedinta hirgeliyeen, waxase warqadan la soo gaadhsiiyay golaha wakiilada November 8.

Maxaa dhiman?

Madaxweyne Siilaanyo inkastoo uu digreetadan ku cadeeyay inuu go’aamiyay in doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada mar la wada qabto, haddana kuma uu cadayn in wakhtigooda oo ah bisha June ee 2015 la qabto, waxaana weli halkaas ka muuqato walaaca ay dad badani qabaan ee ah inaanay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomi doonin. Qodobka ugu muhiimsan ee ay doodu ka taagantahay ayaa ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan, laakiin doodu kama taagna in doorashooyinka la is raaciyo iyo in la kala qaado.

Gunaanad

Doorashooyinka Somaliland ayaa ah shayga labaad ee soo raaca nabadgelyada ee ay Somaliland ka iibiso beesha caalamka, waxaana doorashooyin xor iyo xalaal ah oo wakhtigooda ku qabsooma, ay sii kordhin karaan sumcadda Somaliland ay dunida ku leedahay, iyadoo la ogyahay in Madaxweyne Siilaanyo uu khudbadii u horaysay ee uu Baarlamaanka u jeediyay markii la doortay ku cadeeyay inuu doorashooyinka wakhtigooda ku qaban doono oo aan muddo kordhin loo samayn doonin.