Si Uu Ardaydiisa U Baro Samirka Iyo Dadaalka Ayuu Geed Dushii Saarnaa Muddo 3 Maalmood Ah

0
683

Washington (Geeska)- Macalin dhiga Sayniska oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa sameeyey farsamo dad badan ka qoslisay oo uu ku doonayey in uu ku dhiiri geliyo ardaydiisu in ay dadaal weyn u galaan waxbarashada kuna samraan dhibta ka hor timaadda muddada ay waxbarashada ku gudo jiraan. Waxa kale oo uu macallinkani doonayey in uu ururiyo lacag qaadhaan ah oo uu ardaydiisa kaga bixiyo dalxiis.

Macallinkan 35 jirka ah oo magaciisa la yidhaahdo David Puth, waxa uu fuulay geed dheer oo uu dushiisa saarnaa muddo 65 saacadood ah oo isku xiga, mar uu  la hadlay wargeyska The Grand Rapids Press oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtayna waxa uu sheegay in in go'aankiisa ahaa in uu geedkan saarnaado muddo saddex maalmood ah oo habeen iyo maalinba ah ay ujeedadiisu ahayd in ardaydiisu bartaan samirka iyo dadaalka ay waxbarashadu u baahan tahay iyo sidoo kale dadka u soo daawasho tegeya macalinkan laga qaado lacag yar oo ay ku daawadaan si loo ururiyo 6500 oo doolar oo uu doonayey in uu ardaydiisa ugu dalxiis geeyo deegaan buuralye ah oo ay ku soo nastaan kana soo kordhistaan aqoon iyo khibrad. "Markii aan ku jiray dusiga hoose iyo dugsiga dhexe waxa aan ku hammiyi jiray in aan arrimo nooca ah sameeyo, waana taas ta ii fududaysay in aan hadda u samro" ayuu yidhi Macalin David.

Audrey Mastert oo ah ardayad 13 sano jir ah oo ka mid ah ardayda macalinkan ayaa tidhi, "Saddexdaa maalmood waxa uu macalinku xiisadda na siin doonaa isaga oo geedka saaran annaguna aanu hoos tubannahay" Ardayad kale oo magaceeda la yidhaahdo Christie Chilz ayaa iyada oo sii faah faahinaysa hadalka saaxiibaddeeda Audrey waxa ay tidhi, "Waxa uu Macalin David na faray in aanu soo xidhanno jaakeeddo iyo dharka jiilaalka dhaxanta laga xidho, waayo waxa uu ka cabsi qabay in roob yimaaddo inta aanu ku gudo jirno xiisadahan uu bannaanka nagu siinayo.