Saddaam Xuseen Oo Intii Aan La Dilin Ka Waramay Ciqaabtii Iyo Dhibtii Ka Qabsatay Xabsigii Lagu Hayey

0
616

Picture1Washington (Geeska)- Wargeyska New York Daily News ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa faafiyey warqad xogeed sir ah oo si qarsoodi ah looga soo saaray xafiiska hay'adda baadhitaannada ee FBI-da. Warqaddan oo uu gacantiisa ku qoray madaxweynihii la dal-dalay ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen ayaa uu ku sheegayey in jidh dil iyo ciqaab badan oo jidhkiisa oo dhan gaadhay raadkeediina weli ka muuqdo loo geystay, intuu uu gacanta ugu jiray ciidamada Maraykanka oo ahayd markii la qabtay illaa saacado yar ka hor markii la dilay. Ciqaabaha uu xusayna waxaa ka mid ah in loo diiday in uu habeenkii si caadi ah hurdo u seexdo.

Wargeyska New York Daily News waxa uu sheegay in warqaddan si sir ah looga soo saaray fayl ka kooban 352 warqadood oo yaalla xarunta Laanta dembi baadhista Maraykanka ee FBI, kaas oo loogu magac daray Saddaam Xuseen oo xogtiisa lagu ururiyey. Sida ku cad qoraalkan, warqaddan waxa uu Saddaam Xuseen qoray 9 maalmood kadib qabashadiisii oo ay Maraykanku sheegaan in ay ahayd 15-kii December 2003-da, waxa aanu ku dalbanayaa in loo soo celiyo lacag dhan Hal Milyan oo doolar oo laga qaaday markii la qabtay. Qoraalka warqaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska New York Daily News, isla markaana uu Af-Soomaali u rogay waxaa ka mid ah:

“Bismillaahi Al-rraxmaan Alrraxiim..

Ka: Saddaam Xuseen, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq.

Ku: Ciddii ay khusayso.

Waxa aan hadda joogay xabsigan laga soo bilaabo 13-kii December 2003-da, oo  waxa la isoo qafaashay Maalintii taariikhdu ahayd 26 Noofambar 2003-da. Marka aan ka tago dhibta iyo garaaca ay ii geysteen markii ay i soo qabsadeen, gaar ahaan maalmihii bishu ahayd 12ka iyo 13ka, oo la ii geystay dhib aan loo aabbo yeelin meel qudha oo jidhkayga ka mid ah. Isla markaan ay kooxda i soo qabatay ii geysteen garaac aan waxba lala hadhin oo xataa raadkiisii illaa hadda ka muuqdo jidhkayga. Waxa keliya ee aan doonayo in aan hadda u sheego cidda ay khusaysaa waa in xilliga hurdada la ii ogol yahay uu aad u yar yahay.  Tusaale ahaan saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey saacadaha hurdo la ii ogolaaday ee aan seexday marka la isku wada daro ma gaadhayaan Afar ama Shan Saac"

Madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen mar uu qoraalkiisan kaga hadlayey xabsiga uu ku xidhan yahay iyo xaaladdiisa waxa uu yidhi, "Xarunta aan ku xidhanahay waxa ay la mid tahay uun meelaha kale ee dadka lagu xidho, habeenkii iyo xataa mararka qaarkood maalintii waxa ay guud ahaanteedba isu beddeshaa goob ciqaabeed. Waxa dhibaato badan iyo saamaynba nagu yeesha codka xanuunka badan iyo cabaadka maxaabiista lagu jidh dilo qolalka kale. Uma malaynayo in qof ay qalbigiisa ku jirto shucuur aadamenimo uu awoodayo in uu seexdo iyada oo ay ka dul baxayaan codadka iyo cabaadka dadka la ciqaabayaa" ayaa uu Saddaam Xuseen ku yidhi, warqaddan qaybaheeda uu kaga hadlayey dhibta loo geystay, qaybahaas oo ah inta uu faafiyey wargeyskan uu Geeska Afrika soo xigtay.