Weriyihii HCTV Oo Maalintii Labaad Ku Xidhan Gabiley

0
505

nuuxHargeysa(Geeska)-Waxa maalintii labaad magaalada Gabiley ee xarunta gobalka Gabiley ku xidhan weriyihii Telefishanka HCTV uga soo warami jiray Gabiley weriye Mukhtaar Nuux Ibrahim.

Weriyaha oo khamiistii lagu xidhay magaalada Wajaale, ka dib markii uu Telefishanka ka baahiyay dhallinyaro gadoodsan oo dab qabadsiiyay islamarkaana kabaha iskaga masaxay calanka xisbiga KULMIYE, ayaa shalay loo soo dhaadhiciyay xabsiga Gabiley.

Ururka SOLJA ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga weriyahaas oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, iyagoo xukuumadda ka dalbaday in si deg deg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo.

Telefishanka HCTV, aya sidoo kale xalay baahiyay in shalayna magaalada Gabiley lagu xidhay weriyihii Telefishanka SOMSAT ee Gabiley.

.