Sababaha Ugu Badan Ee Waqtiga Ka Lumiya Qofka Shaqaalaha Ah Ama Waajibaad Badan U Yaallaan (2)

0
706

Riyaad (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika oo soo xiganaya Majaladda Sayidatii ee ka soo baxda Imaaraadka Carabtu akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah cudur-daarradaas waqti lumiska ah ee aynu ku magacownay tuugta waqtiga.

4. Qofka oo awoodi waaya in uu ‘MAYA’ yidhaahdo: Qofka ka xishooda in uu diido casuumadaha, ballamaha, kulamada iyo booqashooyinka aan waqtigooda hore loo sii cayimin, waxa uu isku arkaa in uu awoodi kari waayo in uu helo waqti uu hawlihiisa ku kala maamulo. Sidoo kale waxaa dhacda in hawlo badan oo aanu qaban Karin loo diro ama lagu kallifo, tusaale ahaan maamulkiisa shaqada ama cid kale oo uu ixtiraam u hayaa ay ku cuslayso hawlo dheeraad ah, kuwaas oo aakhirka keenaya in waqtigiisu isku dhex daato, kadib marka uu kala wadi kari waayo hawlaha loo dirayo.

5. Hakadyada aan ku sii talogalka ahayn: Waxaa in badan dhacda in qofka oo si caadiya shaqadiisii u wata ay inta badan soo dhex galaan hakadyo shaqada sii wadisteeda ka yara joojiya waqtiyo kala duwan, tusaale ahaan talefan si kedis ah ugu soo dhaca, saaxiib ballan la’aan ugu yimaadda goobta shaqada, ama arrin waqtigii uu ugu talogalay kaga bata, sida shirarka shaqada soo dhex gala.

6. Qorshe (Jadwal) la’aan: Qofka oo inta uu shaqo bilaabo, haddana marka uu cabbaar wado, shaqo kale ku jeesta oo iyadana cabbaar wada, haddana mar kale dib ugu noqda shaqadii hore, waxa ay qofka ku qasbaysaa in uu dadaal dheeraad ah oo badan sameeyo, taasina waxa ay keentaa daal maskaxda ah iyo in juhdigiisu is-maax dumiyo, oo ay u dhowdahay in labada shaqo ee uu isku dhex wadaa labaduba isla khasaaraan.

7. Qorshayn aan maangal ahayn: In aynu hawlaheenna u qorshayno qaab aan nidaamsanayn, oo tusaale ahaan ay dhacdo in hawl uu qaban karo maalin gudaheed ay ku qaadato shan maalmood, aakhirkana uu fawdo ka dhigo nidaaminta waqtigaaga, hawl kastaana kaa qaadato waqti ka badan intii ay ku dhammaan kari lahayd.

8. Nidaam Xumo: Caadi ahaanba nolosha qofku waxa ay ku fiican tahay in ay nidaamsanaato, oo tusaale ahaan waqtigiisa shaqada, cuntada, hurdada iyo haasaawaha iyo cawayska asxaabtu uu noqdo mid waqti ku sar go’an oo aan iska iman marka uu doono, taas ayaa ay habka ugu fiican ee uu qofku kula socon karo waqtigiisa, faa’idada ugu badan ee ugu suurtogalsanna ka heli karo. Dhammaad.