Qiso: Waayeelkii Xikmadda Badnaa Iyo Boqorkii Abaal Marinta Qaybinayey

0
843

Hargeysa (Geeska)- Waxa laga sheekeeyaa in boqor hore oo ka mid ah boqorradii dawladdii Faarisiyiinta (Persia) oo la odhan jiray Onoshraan, uu maalin maalmaha ka mid ah ku dhawaaqay in uu magaalada dhex mari doono, si uu dadkiisa wax badan uga dhegeysto, boqorkan oo sida taariikhda ku xusan uu Nebigeennii Muxamed (SCW) dhashay isaga oo Furus (Beershiya) u taliya.

Boqorku waxa uu sheegay in qof kasta oo intaa uu ku gudo jiro socodka indho-indhaynta ah ku yidhaahda erey fiican uu siin doono 400 oo lacagta diinaarka loo yaqaanno ah. Boqorkan oo ballankiisan fulinaya ayaa isaga oo wata masuuliyiin badan waxa uu dhex maray magaaladaii, markii ay cabbaar socdeen waxa ay la kulmeen nin beeraley ah oo da'diisu Sagaashamaadkii tahay, odaygani waxa uu beerayey geed Saytuun ah. Boqorkii ayaa odaygan ku yidhi, Maxaad u beeraysaa geed saytuun ah oo sida aynu og nahay aan dhalayn 20 sano ka hor, sideed u sugi kartaa midhihiisa adiga oo hadda ah 90 jir. Odaygii beeraleyda ahaa ayaa boqorkii ugu jawaabay, "Dadkii innaga horreeyey ayaa beeray, markaa saa aynu midhiihii innagu calfannay, marka waa in innaguna aynu beerno si kuwa innaga dambeeyaa u calfadaan"

Boqorkii aad ayuu uga helay hadalka odaygan, kadib waxa uu amar ku siiyey khasnad hayihiisii in uu ninkan siiyo abaal gudkii uu ballan qaaday ee ahaa in 400 oo diinaar la siiyo. Odaygii ayaa inta uu lacagtii qaatay dhoolla caddeeyey. Boqorkii oo dareemayey dhoolla caddaynta odayga ayaa yidhi, "Maxaad la dhoolla caddaysay?" Odaygii ayaa ku jawaabay, geedkii aan beerayey waxa uu dhali lahaa 20 sano kadib, laakiin geedkaygii waxa uu ku dhalay daqiiqado gudahood” ayaa uu yidhi isaga oo carrabkiisa farta ku fiiqay si uu u fahamsiiyo in geedkiisa uu sheegayaa carrabka yahay.

Boqorkii oo mar labaad ka helay ereyga odaygan ayaa yidhi, mar labaad siiya 400 oo diinaar. Odaygii markii uu qaatay lacagtan dambe ayuu mar kale dhoolla caddeeyey, kadib boqorkii ayaa weydiiyey waxa uu la dhoolla caddaynayo. Odaygii waxa uu yidhi, "Geedka Saytuunku sannadkii hal mar ayuu dhalaa, laakiin geedkaygii laba jeer ayuu marayaa” Boqorkii ayaa mar kale u amray in la siiyo odaygan 400 oo diinaar. Kadib boqorkii inta uu degdeg u kacay ayaa uu guclo orod ku dhaafay odagyii. Mid ka mid ah masuuliyiintii la socday boqorka oo ka yaabay arrinta boqorka dedejisay ayaa weydiiyey sababta uu u cararay, boqorkii waxa uu ku jawaabay, "Waxa aan ka baqay haddii aan waxoogaa sii fadhiyo, in   khasnaddii aan sitay ay odaygan oo keliya ku dhammaato"