Qofka Oo Ka Baqa In Uu Wax Illoobaa Waxay Ku Soo Dedejisaa Illowga Iyo Hoos U Dhaca Xusuusta

0
658

Picture5Aqoonyahanno ku takhasusay culuumta maskaxda iyo qaabkeeda shaqo ayaa daraasad ay muddo dheer wadeen kadib soo jeediyey talo ah in, waayeelka iyo guud ahaanba dadka ka cabsi qaba in da'du daciifiso maskaxdooda ay la gudboon tahay in aanay isku badin ka fikirka illowgooda badan. Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka oo in badan maskaxdiisu ka cabsato illow ama isku mashquuliya in uu wax xasuustaa ay iyada qudheedu illawga keento.

Xeel-dheerayaashani waxa ay sheegeen in baadhitaanno cilmiya ay ku ogaadeen in qofka oo in badan ku celceliya wax uu ka baqo qabo in uu illaabo isaga oo maskaxdana ku haya in uu illaabayo iyo qofka oo sidiisaba marka wax loo sheegayo ka cabsada in uu illaabaa ay qudhoodu u horseedi karaan maskaxda oo kaydin kari weyda xogta ku jirta. Cilmibaadhistan ay khubaradani sameeyeen waxa ay sheegtay in dhanka kalana dadka waayeelka ahi cabsida ay ka qabaan in ay wax illaabaan ay ku keento in ay ka fogaadaan in waxyaabo badan ay maskaxdooda geliyaan, laakiin haddii ay wax yaabahaas gelin lahaayeen sida ay daraasaddu sheegayso waxa hubaal ah in illow iskaa daa oo ay xataa sii xoojin lahayd xasuustooda. Maskaxda oo laga ilaaliyo in ay wax xafiddo ama lagu qufulo in aanay waxba xafidi Karin ayaa keenta in hawsheeda caadiga ah ay gabto, marka ay weydo wax ay xafiddo, taas oo sii siyaadisa illawga maskaxdana ku keenta shaqadeeda oo hoos u dhacda.

shaqada maskaxda iyo neerfayaasha , sidoo kale waxa uu qofku ka helaa boqolkiiba 70 baahida jidhka ee macdanta Manganese oo ka mid ah macdanaha ugu muhiimsan ee taageera hab-dhiska neerfayaasha.  Sidoo kale faa’idooyinka fuulka waxaa ka mid ah in uu jidhku ka helo barootiinta lagama maarmaanka u ah, taas oo ka mid ah sababaha uu xusuusta u xoojiyo. Waxa kale oo Fuulka ku jira xaddi dufanka faa’idada jidhka u leh ah, ganka oo caloosha u fiican, iyo guud ahaanba faytamiinnada iyo macdanaha jidhku u baahan yahay, waxa aanu ka mid yahay cuntooyinka miisaanka dhima.