Cuqaasha Iyo Salaadiinta Xilalka Ka Qabta Somaliland Iyo Khatarta Isku Milanka Dhaqanka Iyo Siyaasada

0
551

Hoggaanka Dhaqanka oo shaqo dowladeed qabtaa dhib iyo dheef iyama ayaa ay u leeyihiin qabiilkooda iyo qarankaba?..  Kamaal A. Ali  (1)

Hargeysa (Geeska)- Somaliland waxa ay ka mid tahay tusaalayaasha ay tahay in dunidu ka barato dhismaha dowladeed ee qaran-jabka kadib, mar kasta oo laga hadlaayo dalalka sida xun u burburay ee ka soo kabanaya burburkaasna waxaa qasab noqonaysa in la xuso dib-u-dhiska siyaasadeed ee ay Somaliland ku tallaabsatay burburkii dowladdii askarta kadib, taas oo ay kaga fiican tahay dalal badan oo ay isku xaalad dhow yihiin, sida; Taymuurta Bari (East Timor), Kosovo,  Eriteriya, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Ciraaq iyo Soomaaliya oo colaado aan biri-magaydada la xurmaynayn ku jirtay in ka badan labaatan sano. Dalalkaas iyo kuwo kale oo ay isku duruufo siyaasadeed ahaayeen Somaliland ayaa ku fashilmay ama ay weli ku adag tahay in ay sidii la rabay uga soo kabtaan burburkii ka dhacay dhicista dowladdii dhexe, ama go’itaankoodii kadib.

Haddaba nabadayntaa iyo dib-u-dhiskaa siyaasiga ah ee Somaliland waxa sees u ahaa dadaallo dhaqameed iyo raasamaal dhaqan oo ah hantida keliya ee ka badbaaday cadaadiskii gumaystaha iyo ficilladii dowladdii keli-talisku wax badan oo kale ku tirtirtay. Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Somaliland oo ay ku jiraan odayaasha dhowra dhismahan dhaqan ee qarniyada lagu soo tanaadayey ayaanu Alle ugu irmaami tegey Somaliland oo ay kaga badbaadday guul darrooyinkaas qaar badan oo qayrkeeda ah fadhiidka ka dhigay.

Lama diidi karo in dagaallo sokeeye mar iyo marar door ahba ka qarxeen Somaliland iyo in gobollo iyo deegaanno Somaliland ah ay khilaafyo siyaasad ama dano dhaqaale iyo dhul ballaadhsi salka ku hayaa ka qarxeen, laakiin waxaa biyo kama dhibcaan ah in xasaradahaas, is-carinta beelaha ee dhaca, gardoofooyinka kala gaadha muwaadiniinta isku deegaanka ah ama abtirsiinta wadaaga iyo tan uguba muhiimsan oo ah colaadaha ka dhasha ama ku sigta in ay ka qarxaan damaca waalan ee siyaasiga iyo hadallada qallafsan ee uu ku tiraabo marka uu waayo manfac shakhsi ah oo cid kale calafsatay, dhammaantood sababta ay Somaliland kaga badbaadday Alle ka sokow fadligeeda ay iska leeyihiin hoggaan dhaqameedka beelaha kala duwan oo ku guntaday in ay si taxaddar leh, oo isu dheelli tiran u curiyaan hannaan nabadda lagu soo dabbaalayo,iyo dhisme qaran oo ka bilowday xeerar, axdi-qarameed iyo heshiisyo is-faham, laakiin midhihiisii ay noqdeen dhisme dowlad dastuuriya oo leh dhar-dhaarrada qaran dhisa iyo calaamadaha lagu asteeyo dowladnimada.

Ka soo bilow colaadihii beelaha kala duwan ku dhex maray deegaannada Somaliland oo dhammaantood si dhaqso ah loo dambiyey, khasaarihii ugu yaraana lagu joojiyey, ha dhaafin dhismihii ciidanka Qaranka oo ay kaalinta koowaad kaga jireen hoggaamiye dhaqameed qabiilooyinkii ay taladooda guddoominayeen ku qanciyey in hubka iyo maleeshiyada beelaha laga dhigo kuwo Qaran oo hoos taga dowladda, illaa laga soo gaadho murannada marar badan ka dhex qarxa siyaasiyiinta oo mararka qaarkood ay dhacdo in kuwo maan-gaab ahi ku dadaalaan in ay u yeelaan weji qabiil, laakiin hoggaamiye dhaqameed samo-doonka ahi u saxo balada ay hurinayaana biyo la miciinsado.

In la lafa-guro kaalinta uu hoggaamiye dhaqameedku ku leeyahay, nabadda iyo xallinta khilaafaadka siyaasadda iyo guud ahaaba dhismaha qaran ee Somaliland waa mawduuc u baahan daraasad ka badan qoraalkan iyo waraaqo ka waasacsan inta hadda suurtogalka inoo ah, waxase aynu ku soo koobi karnaa in hoggaanka dhaqanka ee guud ahaanba dadka Soomaalidu ay abidkoodba kaalin sharfan ku lahaayeen nidaamkii maamul ee ka soo bilowday baadiyaha iyo reer guuraaga iyo dowladnimada casriga ah ee hadda la doonayo. Haddaba is-weydiinta muhiimka ahi waxa ay tahay;

1. Waa maxay xilka Hoggaanka dhaqanku?

2. Haddiise ay qabteen xilal siyaasi ah, ama shaqo dowladeed oo ka baxsan kan ay u hayaan qabiilka, dhib iyo dheef iyama ayaa ka dhalan karta?

Waa labada su’aalood ee uu qoraalkeennu si kooban uga jawaabayo, si uu fursad u siiyo aqoonyahanka iyo cilmi-baadhayaasha laga yaabo in ay maskaxdoodu hadda ka demmantahay, bal in ay u soo jeestaan oo intaas ka badan sii lafa-guraan.

Xilka hoggaamiye dhaqameedka:

Marka dib loogu noqdo taariikhdii gumaysiga, dowladihii rayidka ahaa ee ka dambeeyey iyo dowladdii askarigii xukunka boobay, waxaa mar kasta jiray saluug dhinaca garsoorka ah iyo in nidaamka dowladnimo ee jiray aanu lahayn awooddii uu ku kala goyn lahaa khilaafaadka siyaabaha kala duwan uga dhex qarxaha beelaha, ama waxaaba dhici jirtay, maadaama oo dadku nolosha baadiyaha u badnaayeen, badankooduna reer guuraa ahaayeen in aanay dowladahaas jiray ugu tegin dhulkii ay deggenaayeen, sidaa awgeed, hoggaanka dhaqanku ay mar kasta ahaayeen booliiska, garsooraha, hanuuniyaha iyo marjaca ay beeluhu u cuskadaan arrimaha noloshooda, waajibaadkoodana waxaa ugu muhiimsanaa:

1. Waxa uu ahaa xarunta qabiilka ama jufadiisa, sidaa awgeed cid kasta oo dano ka soo galaan isaga ayaa ay ku soo hagaagi jireen, kana dalban jireen in uu u jid sameeyo, xataa dowladda ayaa soo maraysay.

2. Waxa uu ahaa afhayeenka ugu sarreeya ee qabiilka dantooda ka hadla, hoggaamiyaha lagu daba safto colaadda iyo nabaddaba iyo odayga u guddoonsha talada iyo go’aamada ay guurtida reerku isla qaadato.

3. Waxa uu ahaa masuulka ugu sarreeya ee xalinta khilaafka reerka dhexdiisa soo gala iyo kan u dhexeeya qabiilka iyo qabiilada kale.

4. Waxa uu masuul ka ahaa ururinta magta iyo xoolaha qoonta lagu kala qaato, ee ku soo hoyda qabiilkiisa, sidoo kale waxa uu masuul ka ahaa dabagalka magta iyo xaqa ku maqan qabiillada kale. Waxa uu masuul ka ahaa ururinta qaadhaanka la siinayo cidda baahan, waxa aanu lahaa go’aanka u xoolo-goynta cidda ka baahan tolka iyo soo ururinta xoolahaas.

5. Waxa uu ahaa garsooraha kala saara ciddii khilaaf soo dhex galo ee qabiilka dhexdiisa ah, isla markaana ciqaab mariya ciddii gardiid noqota.

Waxaa jirta dood odhanaysa in markii ay siyaasaddu baadiyihii gaadhay ama dadkii magaalooyinka ku soo xeroodeen ee ay hoos yimaaddeen dowladdii casriga ahayd, uu hoggaankii dhaqanka fuulay culays kii hore ka badan oo waayahan cusubi wateen, tusaale ahaan haddii hoggaanka dhaqanku ka arrimin jiray wixii dhaqan la xidhiidha oo ay ugu muhiimsan yihiin kuwa aynu kor ku xusnay, waxaa soo kordhay in Soomaalidii Siyaasadda gashay badankoodu ay noqdeen kuwo aan lahayn ruux qarannimo iyo himilo fog oo dowladnimo iyo sidoo kale waayo aragnimo la’aan badan iyo damac aan xakame lahayn, taas oo saqiirisay rajadii laga qabay in siyaasigu uu ku socdo shuruucda la qorto, damaciisana la akhriyo xeerarka dalka u yaalla, isla markaana khilaafka soo dhex gala isaga iyo dhiggiisa hunguriga siyaasiga ah leh ay xalkiisa u maraan garsoor ku salaysan dastuurka iyo qanuunka.

Waxaa qasab noqday in hoggaankii dhaqanka hawshiisii sii ballaadhato oo inta uu ku soo fido magaalooyinkii khilaafkii uu xallinayey uu noqdo mid casri ah oo lagu kala saarayo laba siyaasi oo damac shakhsiya oo ay lahaayeen u xidhaya shaadh qabiil ama dhagar ka dhex dhalatay nin mansab waayey oo tollaay yidhi iyo kii boobay oo reerkooda dabada geliyey iyo boqollaal xasaradood oo siyaasi iyo siyaasad dabada ku haya. Intaas kuma koobna ee hoggaankii dhaqanku waxa uu noqday gacanta midig ee booliis waajibaadkiisa ka soo bixi waaya ka caawiya soo qabashada dhagar qabaha, iyo in ay kala guraan dadkii uu isku murgiyey garsoorkii kala saari lahaa, waxa ay damiyeen colaado siyaasadeed waxa aanay xalliyeen dhibaatooyin ka dhashay nolosha casriga ah oo ay ka mid tahay tuugo casriya, dhac, muran tiknoolajiyad ku salaysan, kufsi noocyo badan, af-duub siyaasad dabada ku haya iyo boqollaal eedood oo aan xeerkii hore ku jirin. Fursadda ay ka heleen siyaasiga waajibkiisii gabayna waxa ay hoggaamiye-dhaqameedkii sii gaadhsiisay in ay marar badan iyagu soo xulaan xildhibaannadii, wasiirradii iyo garsoorayaasha iyo in ay aqoonyahankii shaqo la raadiyaan.

In kasta oo uu hoggaanka dhaqanku sidaa sibiqda ah ugu soo guuray noloshii casriga ahayd si uu u buuxiyo kaalinta ay banneeyeen hoggaankii siyaasiga ahaa oo badankooda lagu hungoobay iyo aqoonyahankii du’dada gurigiisa dhaafi waayey, haddana inta badan hoggaanka dhaqanku si uun ayaa uu uga madaxbannaanaa, ugana fogaa siyaasadda in uu toos uga shaqeeyo, waana ay adkayd in ruux jufadiisa ama qabiilkiisa xil u hayaa uu hungureeyo mansab siyaasadeed, shaqo dowladeed iyo xataa shaqo cid gaar ahi leedahay sababtana waxa aynu ku soo koobi karnaa laba:

1. Maadaama oo hawlaha u yaalla hoggaamiye dhaqameedku ay aad u badnaayeen waxaa dhaqan ahayd in laga dabbaro nolosha qoysa iyo nolol maalmeedkiisa, taas oo fursad u siinaysa in uu u gacan baxo danaha qabiilka uu hoggaaminayo, tusaale ahaan nolosha miyiga marka la joogo hoggaamiye dhaqameedka waxaa loo samayn jiray xoolo u gaar ah oo reerku noloshooda ku dabbaaraan, si uu ugu gacan bannaanaado hawlihiisa dhaqan, dadka soo martiyaya ee tirada badanna u deeqsinimo uga sooryeeyo, oo aanu noqon ruux sida dadka caadiga ah u kifaaxa raadinta quutal-yoomka. La soco qayb keliya oo hadhay…