Qisada Wiil Madow Ah Oo 70 Sano Ka Hor Xukun Maxkameed Dil Dulmiya Ah Lagu Fuliyey Maraykanka

0
413

Washington (Geeska)- Imisaa xabsiyada ku jira aakhirkana god iyo xabaal ku dambeeya iyaga oo aanu xukun ku dhicin ama lagu fuliyey xukun dulmi iyo gar-eexo ku dhisan? Imisa ay maxkamadi ku ridday xukun ciqaabeed dil ah ayaa koronto lagu dilaa, ama irbad sun ah lagu mudaa, la daldalaa ama rasaas lagu toogtaa, iyaga oo beri ah oo dulmi lagu soo xidhay xukun aan caddaalad ahaynna ku dhacay, ama iyada oo aan weli xukunkii lagu fulinba silica xabsiyada iyo ciqaabta baadhayaasha ugu dhex dhinta xabsiyada.

Ereyadan qiirada badan waxaa lagu bilaabay warbixin uu degelka Al-Carabiya dhowaan ka diyaariyey wiil Maraykanka madow ahaa oo 70 sano ka hor dalkaas lagu fuliyey xukun dil ah oo ku dhacay, laakiin markii dambe ay soo baxday in xukunkaas iyo eedaha loo haystayba ay dulmi ahaayeen.  Warbixintaas oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa ay intaas ku sii dartay, “Dadkaas waxaa ka mid ah wiil Maraykanka madow ahaa oo isaga oo da’diisu ay ahayd 14 gu’ iyo 6 bilood ay 70 sano ka hor ku fuliyeen xukun dil ahaa, laakiin arbacadii hore (14kii December 2014) la ogaaday in uu beri ka ahaa dembiga ay maxkamaddaas Maraykanka ahi waqtigaas sheegtay in ay ku heshay. Waxaana wiilkaas yar oo lagu magacaabi jiray George Stinney loo aqoonsan yahay qofkii ugu yaraa ee abid lagu fuliyo xukun dil ah, dalka Maraykanka ama dunida oo dhanba.

Maalmihii u dambeeyeyna wakaaladaha wararka ee dunidu waxa ay qaadaa dhigayeen dilka George Stinney oo 70kaa sano ee ka dambeeyeyba dooddiisu ay taagnayd, imika oo la ogaaday in uu beri ahaana ay sii laba kaclaysay.

Waxa ay ku bilaabatay markii sannadkii 1944kii laba hablood oo yaryar oo kala ahaa, Betty June Binnicker oo 11 jir ahayd iyo Mary Emma Thames 8 sano jirtay la dilay, kadibna dhagartaas loo qabtay, aakhirkiina xukun maxkamadeedkan dil ahi ugu dhacay wiilkan yar. Laakiin baadhis dheer oo lagu sameeyey dhimashada labadaa hablood, qaabkii ay u dhacday dacawadda lagu qaaday wiilka yar iyo xukunka lagu fuliyey kadib waxaa caddaatay in maragga keliya ee ay maxkamaddu u cuskatay dilka George Stinney uu ahaa in uu isagu ahaa qofkii ugu dambeeyey ee arkay labadan hablood, iyada oo aanay maxkamaddu waxba ka soo qaadin hadalkiisii uu illaa markii u dambaysay maxkamadda ku celcelinayey ee ahaa in aanu dembigaas gelin. Xukunkaas dilka ahaa ayaa ay ku ridday, kadib sariirta korontada ah ee dadka lagu dilo oo yaraantiisa awgeed aad uga ballaadhan ayaa la saaray, laguna dilay.

23kii bishii saddexaad 1944kii ayaa labadan hablood ee Patty iyo Mary oo caddaan ahaa kaxaysteen laba baaskiil, waxa aanay u baxeen socod tamashle ah iyaga oo doonaya in ay ubax soo gurtaan. Jidka intii ay ku jireen ayaa ay soo mareen guriga ay deggenaayeen qoyska wiilkan yar oo ahaa madow faqiir ah oo ay wada deggenaayeen tuulaha Alcolu oo ka tirsan gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka. Labadan hablood waxa ay wiilkan yar iyo walaashii Catherine oo markaa la taagnayd meel gurigooda bannaankiisa ah weydiiyeen bal in ay meelahaas ka ag dhow dhow ku arkeen wax ubaxa nooca ay ku magacaabi jireen Maypops ah oo ka baxay. Xilligaas oo midab-takoorku ku xoog badnaa dalka Maraykanka waxaa tuulahan dhex mari jiray jid tareen oo u kala sooca laba daamood oo ay kala deggenaayeen madowga iyo caddaanku. Maalin kadibna waxaa tuulaha ka bilowday buuq la xidhiidha raadinta labadan hablood oo qoysaskoodu ay waayeen. La soco…