Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/06/2026, waxa ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin guul Qaran iyo taariikh muhiim ah. Waxa aanu si rasmi ah u furnay Safaaraddii ugu horraysay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku yeelato dal si rasmi ah u aqoonsaday madaxbannaanideeda, taas oo laga hirgeliyey magaalada Jerusalem.
Tallaabadani waxa ay astaan u tahay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo himilo wadajir ah oo ku wajahan nabad, amni, horumar iyo barwaaqo.
Waxa aan ku kalsoonahay in aynu sii xoojin doonno, siina ballaadhin doonno xidhiidhka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal, si ay uga faa’iidaystaan labada shacab, isla markaana ay uga qayb qaataan xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Maanta waa maalin sharaf, qaranimo, iyo qiyam taariikhi ah u leh dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Waa maalin muujinaysa himiladii iyo halgankii muddada dheer ee ay ummaddeennu u gashay xaqiijinta jiritaankeeda iyo qaranimadeeda












