Madaxweynaha Somaliland Oo I24news U Sheegay: Kama Saarayno Suurtagalnimada Saldhig Milateri Oo Israa’iil Mustaqbalka Ku Yeelato

0
1189

Madaxweyne Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin Mareykanka, Imaaraadka, iyo Israa’iil ay ka mid yihiin mudnaanta ugu weyn ee Somaliland, maadaama qaar ka mid ah xidhiidhadaas ay noqonayaan kuwo sii xoogaysanaya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka i24NEWS, Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro) ayaa sheegay in aanu meesha ka saari karin suurtagalnimada in saldhig milateri oo Israa’iil leedahay laga furo dhulka Somaliland mustaqbalka, isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay in duullimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Israa’iil iyo caasimadda Hargeysa ay bilaabmi doonaan ” dhowaan.”

Isagoo la hadlayay wariyaha i24NEWS ee barnaamijka “Middle East Now” Nicole Zedeck, intii uu ku guda jiray booqashadiisii taariikhiga ahayd ee ugu horreysay ee rasmiga ah ee uu ku tago Israa’iil, wuxuu tilmaamay in furitaanka safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ku yeelato Qudus ay tahay kordhinta dabiiciga ah ee xidhiidhka labada dal. “Sida caadiga ah, safaaradaha waxaa laga furaa caasimadaha wadamada is aqoonsaday,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in Israa’iil ay tahay dalka kaliya ee ka soo jawaabay warqad uu u diray 193 waddan bishii May 2025 oo uu ku codsanayay aqoonsi.

Madaxweyne Cabdillaahi ayaa aad u diiday in Somaliland lagu tilmaamo gobol go’ay, wuxuuna xusay in dalkiisu uu madaxbannaanida qaatay 26-kii June, 1960-kii, shan maalmood ka hor Soomaaliya, taasna ay ka dhigayso waddan ka weyn (ka da’ weyn) Soomaaliya, Kenya, Uganda, Eritrea, iyo ku dhawaad kala badh wadamada ku yaal qaaradda Afrika. “Ma nihin kuwo go’ay,” ayuu yidhi. “Waxaan noqonay dal madaxbannaan 26-kii June, 1960-kii.”

Markii la weydiiyay waxa ay Israa’iil xidhiidhkan ku soo kordhinayso marka laga reebo aqoonsiga, Madaxweyne Cabdillaahi wuxuu farta ku fiiqay iskaashiga dhinacyada beeraha, biyaha, caafimaadka, iyo amniga inay yihiin mudnaanta degdegga ah, wuxuuna shaaca ka qaaday in siddeed carruur ah oo u dhashay Somaliland oo qaba xanuunnada wadnaha ay toddobaadkan daawayn caafimaad u tagi doonaan Israa’iil. Wuxuu sidoo kale sheegay in Dekedda Berbera ee Somaliland, oo si istiraatiiji ah u taalla, una ah albaabka laga galo Itoobiya iyo wadamada kale ee Afrika ee aan badda lahayn, ay soo jiidanayso xiisaha sii kordhaya ee Mareykanka, Imaaraadka, Israa’iil, iyo kuwo kale, si ay u noqoto xarun ganacsi iyo saadka ee gobolka.

Markii la weydiiyay in Somaliland ay door ka ciyaari karto la-dagaallanka khatarta Xuutiyiinta ee Badda Cas, Madaxweyne Cabdillaahi wuxuu sheegay in dalkiisu aanu cadow ku ahayn qofna, balse uu xaq u leeyahay inuu iska difaaco, uuna raadinayo caawimo caalami ah si loo casriyeeyo awoodda ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland

Madaxweyne Cabdillaahi wuxuu sheegay in wadamo kale ay ku dayan doonaan Israa’iil oo ay aqoonsan doonaan Somaliland, inkastoo uu diiday inuu magacaabo ama uu sheego xilli sugan, wuxuu kaliya yidhi aqoonsigu “wuxuu noqon karaa dhowaan.” Farriintiisa ku socota wadamada weli ka cagajiidaya aqoonsiga waxay ahayd mid cad: