Hoggaanka Cusub Ee SOLJA Oo Xilkii Shalay La Wareegay

0
560

Hargeysa(Geeska)-Hogaanka cusub ee dhawaan loo doortay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa shalay xilkii kala wareegay Hogaanka hore ka dib markii la xalliyay khilaaf jiray.

Munaasibad ay ka qayb galeen Hogaanka Cusub ee Solja iyo Hogaankii hore,Asxaabta Qaranka,Ururada Rayidka ah iyo Marti sharaf kale oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa labada hogaan xilka kula kala wareegeen.

Gudoomiyaha hore ee Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa Munaasibadaasi hadal ka jeediyay “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Hogaankii hore ee ila soo shaqeeyay muddadii aan Ururka Solja Odayga u ahaa.Alle ha u naxariistee Maxamed-rashiid Muxumed Faarax-na waxaan maanta odhan lahaa isagoo Nool oo soo jeeda ayaan idhi. Odhan maayo waxaas baan ahaan jiray iyo waxaas baan soo qabtay toona oo taariikhda ayaa sheegi doonta Insha Allah” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.

Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay inay tahay markii u horaysay ee Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisaba loo doortay Saxaafadda madaxbanaan, taasina ay tahay mid aan la odhan Karin waa Urur xukumadda u gacan galay. Waxa uu sheegay inuu waxbadan soo taray saxaafadda haddana uu ku biirin doono wixii karaankiisa ah.

Gudoomiyaha Cusub ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, ayaa isna madasha ka hadlay waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu Solja ka dhigi doono mid qaan gaadha oo ka baxda Khilaafaadka islamarkaana noqota mid horumarta.

Waxa uu sheegay inay la shaqaynayaan Wasiirka Warfaafinta balse aanay ka aqbali doonin wax deelqaaf ah oo uga yimaada “Wasiirka warfaafinta haddii Cukuse joogo iyo haddii mid kale joogaba Ururka SOLJA wuxuu ku khasban yahay inuu la shaqeeyo, wixii muraadkiisa ahna ka qabsado, wixii kale ee deelqaaf ah ee Wasiir Cukuse iyo wasiir kasta oo yimaada kaga yimaada Saxaafaddana waxaanu nahay Niman iska difaacaya oo aanka baqan doonin Insha Allah” ayuu yidhi Mr Xuuto.

Agaasimaha guud ee HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa isna halkaas hadal kooban ka jeediyay, waxaanu sheegay in isku duubnaantu mar walba guul iyo wanaag keento.

Guddoomiye-xigeenkii SOLJA Maxamed Cabdi Curad, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, isagoo eedo u jeediyay wasiir Cukuse oo uu sheegay inuu saxaafadda ku noqday xanuunka Ebola oo kale.

 

Waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaaahi Maxamed Daahir Cukuse, “Waxaanu ballan qaadaynaa inaanu la shaqayno Ururka Saxaafadda ee SOLJA.waxaanu kula shaqaynaynaa inaanu ka wada shaqayno sidii Saxaafaddu u heli lahayd Aqoon, gacan wayn ayaanu ka bixinaynaa oo anagaba waa ka mid waajibkayaga in Saxaafadda Madaxa banaan iyo ta dawladdaba aanu u raadino aqoon” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.