Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
793

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

– Aqoontu da’ ma leh, wax xaddidaana ma jiraan. Caruurtaada ha barin keliya sida loo xoogsado ee bar sida loo noolaado.

– Waxba ha ku riyaaqin guulahaaga, naxariistaada iyo caannimadaada, waayo haddii aanad u wanaagsanayn waalidkaa sinaba kuma nabad galaysid.

– Waalidku waxa uu kaa mudan yahay ixtiraam iyo qaddarin, marka ay waynaadaan ama ay bukaan ayaanay ugu baahi badan yihiin ixtiraamkaaga ee la ogow. Waligaa codkaaga kor ha ugu qaadin (ha ku qaylin) una ducee mar walba.

– Wax aad karto ha u diidin waalidkaa, ogow oo adiga iyo maalkaagaba isaga ayaa leh.

– Aabaha iyo hooyaduba waa lama huraan, waxa aanay mudan yihiin ixtiraam iyo la dhaqan suuban. Laakiin haddii ay ka fursan waydo in aad kala doorato hooyada dhanna ha u dhaafin.

– Alle kuguma uu addoonsan in aad waalidka ku addeecdo wax aanu isagu ogolayn, si kastaba ha ahaato ee mar walba ixtiraam ayaa ay kaa mudan yihiin.

– Alle ma’ qaddaro ee, haddii waalidkaa aanu ahayn muslim ha ka tagin in aad ixtiraamto.

– Qof waliba waa uu jecel yahay waalidkii, qofna waalidkii ha caayin, waayo waxa dhici karta in adigana uu caayo waalidkaa, haddii ay sidaa u dhacdana adiga ayaa ka masuul ah in waalidka caayo, waayo adiga ayaa u soo jiiday.

Xidhiidhka Qaraabada:

– Si kasta oo uu kugu ad adkaado qofka aad qaraabada tihiin ha goynin, xidhiidhka qaraabanimada.

– Qaraabada iyo ehelkuba xaq ayaa ay kugu leeyihiin, wixii aad dheertahay wax ka tar. Mararka qaarkood casuum oo meel isugu keen. Ogow haddii ay baahan yihiin ma jirto cid ka mudan sadaqaddu ee.

– Saaxiibbada waalidkaa waxa ay la qiimo yihiin qaraabada, qaddari oo si xushmad badan leh ula dhaqan.

– Walaalkaaga wayn waxa uu kaa mudan yahay ixtiraamka aabaha oo kale.