Qalab Afkaarta Iyo Xogta Ku Jirta Maskaxdaada Si Toos Ah Ugu Gudbinaya Maskaxda Qof Kale Oo Ka Durugsan

30
4875

Washington (Geeska)- Marka aad maqasho, “Qalab awood u leh in uu afkaarta iyo xogta ku jirta maskaxda si toos ah ugu gudbiyo maskax kale oo ka durugsan” Waxaa laga yaabaa in aad sawirato filim maloawaal cilmiya ah, oo aanay suurtagal ahayn in uu run noqdaa. Waa run in aanay weli dhaqangal noqon farsamadaasi, waxa se kale oo iyaduna run ah in uu jiro saynisyahan ku guulaystay in uu dhiso qalab awooddan leh, isaga oo isticmaalaya qorshaynta koronteed ee maskaxda (Electrophysiology), isaga oo saadaalinaya in farsamadani horseeddo curinta shabakad xidhiidh bulsho oo isku xidhaysa maskaxaha dadka. Haddii ay farsamadaasi guulaysatana waxaa hubaal ah in laga guuri doono Facebook iyo baraha kale ee ay bulshadu ku xidhiidho.

Warbixin hal-abuurkan la xidhiidha oo ay faafisay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay in arrintani marka hore qofka ula ekaanayso waxa jidhku ka jidhidhicoodo, oo ay adag tahay in la rumaystaa. Laakiin saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Washington ayaa aaminsan arrintani ay tahay suurtagal, lana filayana in maalin uun uu dunida ka dhaqan galo. Arrintan ayaa fududayn doonta in dadku ay ka xidhiidhaan maskaxda.

Habka la doonayo in uu isku xidho maskaxaha aadamaha ayaa awood u yeelan doona in uu akhriyo afkaarta ka dhex guuxaysa madaxa qofka, haddii loo baahdana u gudbinaysa maskaxda qof kale. Taas oo macnaheedu yahay in labada qof ay maskaxda ka xidhiidhi karaan iyaga oo aan qoraal iyo hadal midna is weydaarsan. Hal-abuurkani haddii uu guulaysto waxa uu noqon doonaa isbeddel run ah oo ku dhacaya habka xidhiidhka dadka dhexdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here