“Sidii Ceel-Afweyn Loogu Gurmaday Labadan Beeloodna Ha Loogu Gurmado, Oo Si Dhaba Oo Ficil Leh Wax Ha Looga Qabto”.

36
3496
Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed
Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Dhoomay,
waxaanu baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray,
waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo
fidno iyo cadawaad wada.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u
waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa soo jeediyey in qaabkii loo
xaliyey colaadii Beelaha Ceel-afweyn, in iyana loo xaliyo colaada
labadan Beelood ee Dhoomay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xukuumaddu
waa inay gacan bira ah wax kaga qabataa dagaalkan uu soo noq-noqdaye,
ee waa in si dhab ah loo waajaha, oo heshiiskii ka dhacay Ceel-afweyne
oo kale  waa in loo soo gabagabeeyaa, Ciidamaduna waa inay doorkooda
qaatan si aanu dagaalkani mar dambe u soo noqon, labadan Beeloodna,
waa laba Beelood oo is dhex degan, oo guri guri isku dhex degan, waana
laba Beelood oo is dhalay, oo wada dhashay, waxaana odhan lahaa
dagaalka joojiya, caqliguna ha shaqeeyo, cahdigii qorigu uu dhammaday,
caqliga ayaa shaqeeyanaya, caruutiina qaliga u dhiiba, oo wax ha
bartaan, jahliga ka saara, aniga laandheera ah iyo aniga reer hebel ah
waa dhaqan xune ha laga ilbaxo, oo caqligu ha ka shaqeeyo, sidii
Ceel-afweyn loogu gurmaday labadan beeloodna ha loogu gurmado, oo si
dhaba oo ficil leh wax ha looga qabto”.

Mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Cid kasta oo ka qayb qaata
fidno, dagaal iyo cadawad, waa dambiilayaal,runtiina aad baan uga
xumahay dagaalkan keenay dhaawaca iyo dhimashada, ee dhexmaray,
Beelaha walaalaha, ee is dhalay, ee wada dhashay, ee isku waalidka ah,
ee wada degan, waxaana leeyahay ALLE ka baqa, oo ALLE ka cabsada, oo
dhiig dambe ha kala daadinina, oo colaada nabada ku bedesha,
dagaalkana heshiis iyo walaaltinimo ku bedesha, wax kasta oo fidnimo
keenayana ka dheeradan, oo nabada si dhab ah u qaata, oo hehiis waara
gala, oo baaqyada kala duwan ee idiin soo gaadhaya qaata”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here