Nuxurka Kitaabka “Geeddigaygii Shakiga Illaa Iimaanka” Qaybta 1aad

0
795

Qoraagu waa Mustafe Kamaal Maxamuud oo caan ku ahaa, ‘Mustafe Maxamuud’ oo noolaa intii u dhexeysay Oktoobar 1921 illaa Diisambar 2009 kii. Waxa uu ahaa Dhakhtar caafimaadka Saableyda ku takhasusay, Caalim Falsafadda ku xeeldheer, cilmi baadhe iyo Qoraa aad loo jecelyahay farshaxannimada habqoraalkiisa.
Kutubta uu qoray waa 89 isugu jira, Saynis, Diin, Falsafad, siyaasad, cilmiga bulshada, qisada iyo sheeko faneed.

Mustafe Maxamuud waxa uu bilowgii noloshiisa si aad ah u dhexgalay una aaminsanaa aragtiyaha diimaha ka soo horjeeda ee xilligaas awoodda lahaa, kuwaas oo ay ka mid ahayd aragtida ‘individualism’ ka iyo guud ahaan Ilxaadka (Atheism). Inkasta oo uu aragtidaas ku fogaaday, ragga uu sida aadka ah ula dhacsanaanaa, aragtidooda dhinaca diintana uu qaatay ay ka mid ahaayeen Sigmund Freud, Charles Darwin iyo Aristotle, oo uu aad u akhriyey doodahooda ay ku diidanaayeen jiritaanka Alle, ama aaminsanaayeenba in xitaa sheegista jiritaankiisu ay dhibaato ku tahay nolosha aadamaha.

Ugu dambayntii 30 sano oo habow ah kaddib, Mustafe Maxamuud waxa uu u soo noqday jidka hanuunka. Waxa uu qoray kutub uu kani ka mid yahay, waxa uu sameeyey barnamaij talefishan oo lagu magacaabo ‘Cilmiga iyo Iimaanka’ kaas oo uu ka sii daayey 400 oo xalqadood, waxa uu dhisay masjid magaciisa loo bixiyey, waxa aanu aasaasay saddex xarumood oo caafimaad oo dadka dakhligoodu hooseeyo lacag la’aan lagu daweeyo.

Buuggiisan uu kaga warramay geeddigiisii uu kaga guuray ka shakiga Alle una guuray Iimaanka, oo soo baxay sannadkii 2005, waxa uu ka mid yahay kutubta cilmiga falsafadda. Waxa uu soo baxay sannadkii 2005 waxa aanu ka kooban yahay 71 bog, oo ku qoran afka Carabiga.

Mustafe Maxamuud marka uu ka warramayo ka shakiga jiritaanka Alle ee uu ka soo noqday, waxa uu ka warramayaa qisadiisa mar uu 13 jir ahaa, oo maalin maalmaha ka mid ah uu kelidii is weydiiyey. ‘Haddii aynu rumaysannay oo aaminnay in adduunyada uu Ilaahay abuuray, sababtuna ay tahay in makhluuq kasta ay jirto cid abuurtay, farsamo kastana ay jirto cid sancaysay, jiritaan kastana ay jirto cid jirsiisay, waa in aynu markaa is weydiinnaa, haddaba yaa ‘Ilaahayna abuuray.. mise isagu isaga ayaa sidiisa u jira? Haddii aynu ku jawaabno in uu iskii abuur la’aan u jiro, oo ay maskaxdeennu arrintaas sawiran karto.. maxaa diidaya in ay sida oo kalana maskaxdeenno qaadato in adduunyaduna ay iskeed isaga jirtay abuur la’aan? Halkaas ayaa uu xaalka mulxidnimo ee Mustafa Maxamuud ka soo bilowday. Waxa se uu ku dambeeyey in uu difaaco in jiritaanka Alle uu yahay mid ka duwan kan abuurta.

Buuggan waxa uu Mustafa u qaybiyey toddobaada qaybood oo qayb kasta uu kaga warramayo, shaki ama madmadow uu intii uu noolaa ka soo maray arrimaha diinta. Ugu dambayntana waxa uu soo bandhigayaa geeddiga dheer ee uu kaga guuray Shakiga iyo rumayn la’aanta Alle una guuray xaqiiqada jiritaanka Ilaahay.
Waxaa ka mid ah:

– Qayb uu Ilaahay (SWT) kaga warramayo waxa uu soo bandhigayaa doodaha ka murmay jiritaanka Ilaahay iyo sida ay u qaldan yihiin.
– Jidhka oo uu sheegayo sida uu qof kasta jidhkiisa uu Alle u siiyey sifooyin u gaar ah, isaga oo tusaale u soo qaadanaya calaamadaha faraha (Finger print), iyo dheecaanka DNA. Ruuxda oo uu ka warramayo jiritaankeeda xaqiiqada ah iyo haddana sida cilmiga aadamuhu aanu illaa hadda faham iyo aqoon uu ku garto u helin.
– Cadaaladda oo uu ka warramay cadaaladda Alle ee aan dabarka lahayn.
– Cadaabta iyo xikmadda ku jirta ee Alle ugu talagalay ayaa uu ka warramayaa cutub kale.

Meelaha Mustafe Maxamuud lagu naqdiyey buuggiisan waxaa ka mid ah aragtida uu ka sheegay ‘Dajaal Cawar’.

Waxa uu sheegayaa Dajaal Cawarka ay diimuhu ka sheekeeyeen in aanu qof ahayn, balse uu yahay cilmiga ‘Maddiga ah’ sida ay isaga la tahay. Waxa uu u arkaa in uu cilmiga maaddiga ahi cawaranyahay oo dhan qudha wax ka eegayo, dad badanna habow ku riday oo diinta iyo Alle ka durkiyey.