Qof Kastaa Naftiisa Waa Uu La Hadlaa, Laakiin Adigu Maxaad Naftaada Ku Tidhaahdaa? (Q. 2aad)

0
717

Sheekooyinka aynu nafteenna u sheegaynay tan iyo markii aynu dhalannay, aamus, hadal ama qoraal mid kasta oo aynu kula hadalnaa waxa ay saamayn ku yeeshaan habdhaqankeenna iyo qaab fikirka maskaxdeenna. Waxaa la mid ah waxa aynu dhegeysanno ama daawanno, iyo waxa aynu ka maqalno cid qoyska, ehelka ama asxaabta ah. Waxyaabahas oo sida barnaamijka Kombiyuutarka maskaxdeenna ugu shubma ayaa raad muuqda ku leh habdhaqankeenna horseedaya guusha ama guuldarrada. Waxa kale oo ka mid ah;
1. Habdhaqan saxan oo aad ku waajahdo dhacdooyinka kugu xeerani waxa ay kugu hoggaaminayaan guusha.
2. Dareenka aynu shay ka qabno ayaa isaguna jaangooya raadna ku yeesha ficilladeenna, shaqadeenna iyo sida aynu u qabanayno hawlaheenna oo dhan.
3. Caqiiqadadeenna iyo waxa aynu aaminsannahay, sax iyo qalad mid kasta oo uu yahayba, waxa ay raad ku yeeshaan habdhaqannada guusha ama guuldarrada horseedaya.
– Barnaamijka maskaxdeenna lagu shubaa waa kuwa ay caqiiqadada aynu aaminaynaa ka curanayso.
– Caqiiqdooyinkeenana waxaa ka dhasha aragtiyaha iyo mawqifka aynu qaadanayno.
– Aragtiyahaas aynu qaadanno ayaa iyaguna sabab u ah dareenkeenna.
– Dareenka aynu qabnaana waxa uu jaangooyaa habka aynu shayga ama dhacdooyinka ula macaamilayno.
Sidee aad maskaxdaada hoose uga dhigi kartaa mid kaa caawisa guusha
1. Ugu horreynba waa in maskaxdaada ay ka soo go’daa niyad ah in aad isbeddel samayso, adiga oo ku qancinaya in ay samayn karto.
2. Waa in uu kuu cadyahay waxa aad doonayso in aad gaadho ama rumaysaa, haddii ay tahay caado aad beddelayso, miisaanka oo aad dhimayso, mashruuc shaqo oo aad furayso iwm. Naftaada si run ah ula qir ceebaha aad leedahay, iyo waxa aad u baahan tahay si aad u bedesho.
3. Ku dadaal in aad maskaxdaada ka shubto barnaamijyadii hore ee qaldanaa uguna cel-celis barnaamijka aad doonayso si ay ugu kaydsamaan maskaxdaada qaybta hoose, kaddibna saamayn ugu yeeshaan habdhaqannadaada oo dhan.
Feejigni gaar ah u yeelo waxa aad naftaada ugu sheekaynayso, kuna dadaal in uu noqdo wax caawinaay habdhaqannada aad doonayso in aad u marto hawlaha guusha kaa xiga. Waxa aad ogataa wax kasta oo aad naftaada ugu sheekaysaa in uu ugu dambaynta aaminid kaa noqdo, saamayna kugu yeelanayo. Ha ka fikirin, maskaxdana ha ku mashquulin waxa hore aad u soo martay. Balse maskaxdaada ku jeeda waxa ay tahay hadda in aad yeesho iyo jidka ay tahay in aad hawlahaaga u marto.