Nuxurka Buugga ’13 Arrimood Oo Aanu Saynisku Jawaab U Helin’: Dhimashada Iyo Dawada Ismoodsiiska Ah

0
714

Geerida

Geeridu waa masiirka u dambeeya ee noolaha oo dhan, inta badanna noole kastaa sabab ayuun baa uu u eersadaa dhimashadiisa. Laakiin waxaa la ogyahay in xitaa haddii caafimaadka qofku uu fiicanyahay, sabab kalana aanay jirin, haddana ii aanay geeridu deynayn. Waa run in ay tahay jid Alle u abuuray in naf kastaa marto, laakiin waa maxay sababta dhabta ah ee geeridaasi?

Saynisku waxa uu sheegayaa in dhimashadu ay tahay mushkilad ku lammaan horusocodka uu koritaanka nooluhu samaynayo, oo ah in uu ugu dambaynta iskii isu burburinayo. Waxa se ay ka mid tahay arrimaha uu Michael Brooks sheegayo in saynisku aanu jawaab waafi ah u haynin.

Gabowga oo ah in xaaladda nooluhu hoos u dhacdo marka uu muddo dheer jiro, ayaa uu Brooks sheegayaa in aanu ahayn sababta keenaysa dhimashada. Si uu u beeniyo aragtisaa sayniskana waxa uu tusaale u soo qaadanayaa diinka oo ka mid ah noolaha sida aadamaha lafdhabarleyda ah, sidaa awgeed aadamaha aad ugu dhow dhinaca koritaanka. Waxa aanu sheegayaa diinku si kasta oo ay da’diisu u gabowdo in aanu isagu dib isu burburin sida aadamaha. Sidaas awgeed fikirka sheegaya in gabowgu uu dhimashada keenaa uu yahay mid aan lagu go’aan qaadan Karin.

Brooks waxa uu sheegay jawaabta keliya ee loo hayo sababta dhimashadu in ay tahay in laga marmaarmi waayey in nooluhu marka uu muddo jiro uu dhinto, si nolosha adduunka la isugu beddelo oo looga hortago waxa uu ugu yeedhay maangalka ah in aanu dhicin is cidhiidhi aad ah oo ay ka dhalato in jiilashu ay ku loollamaan cuntada, biyaha iyo dhulka ay manaafacaadsanayaanba.

Dawada ismoodsiiska ah / Cilaajka

Inta aynaan u gudbin aragtida Brooks ee noocan dawo ee aynu ku tilmaamnay dawada ismoodsiiska ah oo afka cilmiga lagu yidhaahdo Balaasiibo, aynu in yar dul istaagno waxa ay tahay iyo sida loo isticmaalo, si aynu ula jaanqaadno aratida uu soo bandhigayo.

Balaasiibo (Placebo) waa maaddo sida dawada u samaysan inta badanna iraab ama kaabsool ah, laakiin ka kooban maaddooyin aanay ku jirin wax raad ku yeelan kara caafimaadka qofka cuna, wanaag iyo xumaan labadaba. Sidaas awgeed ayaa loogu magacaabaa ‘Dawada ismoodsiiska ah’.

Dawadan waxaa loo adeegsadaa meelo badan oo ay ka mid tahay marka la samaynayo daraasadaha la doonayo in dad lagu tijaabiyo waxtarka dawo cusubi yeelanayso. Dadka tijaabada lagu samaynayo waxaa loo qaybiyaa laba kooxood oo aan iyaga loo sheegayn waxa ay ku kala duwan yihiin. Kaddib waxaa la kala siiyaa laba dawo oo midi tahay dawada la tijaabinayo, midda kalana tahay dawada ‘Placebo’ iyada oo aan qofka loo sheegayn in dawo been ah la siiyey. Kaddib marka waqtiga loogu talagalay tijaabadu dhammaado ayaa dib loo baadhaa labada kooxood si loo ogaado farqiga ay keentay dawadu oo ah waxa ay ku kala duwanaan doonaan dadkii dawada cunay iyo dadkii dawada ismoodsiiska ah cunay.

Waxa kale oo dawada ismoodsiiska loo isticmaalaa daweynta xaaladaha nafsiga ah ee dadka ku dhaca, oo tusaale ahaan dawada oo aad loo buunbuuniyey laakiin aan ahayn dawo jirta ayaa la siiyaa, sidaas ayaanu qofku ku bogsadaa kaddib marka uu maskaxda u sheego in dawadii xanuunka haya uu qaadanayo.

Waxyaabaha kale ee lagu tijaabiyey in ay wax ka tarto waxaa ka mid ah hurdo la’aanta oo inta badan ku timaadda sababta xaalado maskaxda la xidhiidha, taas oo marka qofka la siiyo dawadan ay maskaxdu qaadanayso faham ah in dawadii seexinayso. Arrintaas oo saamayn kiimikaad iyo mid shaqada xubnaha jidhka ahba ku yeelanaysa qofka. Kaddibna abuuraysa dareen ay maskaxdu isu diyaariso caafimaad qab, taasina ay tahay sababta keenaysa in uu seexdo.

Dad xanuunka xiiqda qaba oo dawada ‘Placebo’ la siiyey ayaa lagu arkay in ay aad u fiicnaadeen, haddana markii la baadhay waxaa la ogaaday in xaalka xiiqdooda aanu waxba iska beddelin, balse isbeddelku uu ku yimi keliya aaminaadda qofka ee ah in uu caafimaaday.

Arrimaha kale ee tijaabooyinka dawada ismoodsiiska ah lagu arkay waxaa ka mid ah, dadka la siiyey qaarkood oo loo sheegay in ay dawadani tahay dawo muruqyada firfircooni ku abuuraysa, in lagu arkay garaacii wadnaha oo kordhay, taas oo iyadana lala xidhiidhiyey fahamka qaldan ee maskaxdu qaadanayso oo ah in muruqyadu sidii caadiga ahayd si ka badan u shaqaynayaan, sidaas awgeed uu wareegga dhiiggu kor u kacayo, wadnuhuna garaaca kordhinayo

Xaaladaha ugu fiican ee ay dawadani wax ka tartaana waa xaaladaha xanuunnada nafsiga ah, sida Sakatiga, warwarka, ismoodsiiska, qulubka, garaaca ama kaarka aan sababta cad lahayn, khalkhalka hurdada, iyo xitaa dhibaatooyinka keena khalkhalka dhiigga caadada ee haweenka, arrimahaas oo dhammaantood ama badankoodu ku yimaaddaan sababo fahamka iyo shaqada maskaxda la xidhiidha. La soco…