Somaliland: Qofkii Ugu Horreeyay Oo U Geeriyooday Covid_19 Iyo Dad Cusub Oo Laga Helay Xanuunka

0
694

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqday in saddex Qof oo cusub laga helay Xanuunka dunida ku faafay ee Covid_19, Hal Qof oo ka mid ahaa Saddexdaa Qofna uu Xanuunka u Geeriyooday.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Jimcihii Shalay shaaciyey Dadka cusub ee laga helay Xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa jiray 36 Kiis oo u dambeeyay oo aanu dirnay dhiiggooda, Shalay (Khamiistii) ayay na soo gaadhay xogtii. Dadka Hargeysa joogay ee Dhiigga laga qaaday waxay ahaayeen 20 Qof, hal Qof oo ka mid ahaa 36-kaa ayaa laga helay Xanuunka Covid_19, Qofkaasi waa Marxuumka ku Geeriyooday Magaalada Boorama, taasina waxay sheegaysaa in Xanuunku uu innagu jiro, Waayo? Markaanu dib baadhitaan u samaynay Qofkaasi maaha Qof ka yimid Qurbaha, maaha Qof Safarro galay ee Qof Dalka gudihiisa uun joogay. Arrintaasi waa arrin cusub oo u baahan taxadirkeeda iyo inaynu u qaadano in Xanuunka jiritaankiisu yahay Xaqiiqo.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxa jiray Qof Berbera joogay oo isna markii baadhitaan lagu sameeyay waxa la ogaaday inuu Xanuunka qabo, imikana wuxuu ku jiraa Gacanta Wasaaradda Caafimaadka, Xaaladdiisa Caafimaadna aad bay u fiican tahay. Waxa jiray 12 Qof oo aynu Karantiin ku haynay oo ah Dadkii Diyaaradda Ethiopian Airlines la socday ah, waxa ku soo biiray hal Qof oo Xanuunka laga helay, Xaaladdiisuna way deggan tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadkii aanu hore Gacanta ugu haynay (ee qabay Xanuunka) dib ayaanu Tijaabo uga qaadnay, Hal Qof oo Dadkaa ku jiray weli Xanuunka wuu qabaa, Xaaladdiisuna way fiican tahay.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Qofka Boorama ku dhintay wuxuu ka mid yahay saddexda Qof ee Xanuunka laga helay, waxaanu dhintay intii aanay jawaabta Baadhitaankiisu na soo gaadhin. Markaa Somaliland ahaan illaa hadda waxaynu maraynaa 9 Qof (Dadka uu xanuunku ku dhacay), kuwaasi oo saddex ka mid ahi Bogsiimo yihiin..”

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah Khuburrada Caafimaadka ee Guddiga heer Qaran ee ka dagaalanka Covid_19 la shaqaysa oo isaguna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa Dadweynaha ku waaniyey inay qaataan Talooyinka bahda Caafimaadka oo ay feejignaadaan, maaddaama oo uu xanuunku innagu jiro.