Wasaaradda Difaaca Maraykanka Oo Xaqiijisay in Walxo Aan La Garanaynin Ay Dul Haadeen Maraykanka

0
744

Wasaaradda difaacaee dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay jiritaanka muuqaal maalmihii u dambeeyey dadka Maraykanku aad u hadal hayeen oo muujinaya walxo aan la garanayn oo dalkooda dul haadaya.

Sida uu ku warramay wargeyska New York Times muuqaal ay sannadkii 2004 tii duubeen laba duuliye oo waday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, ayaa laga arkay walax qaab wareeg ah u samaysan oo joog 160 km ah dul haadaysa badda Baasifigga. Mar kale oo ahayd sannadkii 2015 kii ayaa haddana duuliye kale uu duubay laba muuqaal oo kale oo muujinaya laba walxood oo iyaguna hawada duulaya, kuwaas oo mid ka mid ahi wareegayo. Laakiin illaa hadda xeeldheereyaasha difaaca iyo saynisyahannadu jawaab uma hayaan waxa ay yihiin walxahaasi.

Aadamuhu tan iyo bilowgii nolosha waxa uu eegayey samada isaga oo isku deyaya in uu fahmo ilaysyada iyo walxaha kala duwan ee ka muuqda. Laakiin sannadkii 1947 kii waxaa sheekada samada ku soo kordhay wax lagu magaacbo Walxo duulaya oo aan la aqoonsan, kuwaas oo ay Soomaalidu ku magacowdo ‘Suxuunta wareegta’. Arrintan ayaa ka dambaysay markii nin beeraley ahi beertiisa oo ku taalla magaalada Roswell ee gobalka New Mexico, Maraykanka uu ka dhex helay burburka walax bilowgii lagu sheegay sixni duulayey, laakiin markii dambe loo maleeyey in uu qayb ka ahaa burburka buufimo si sir ah sirdoonka Maraykanku u samaystay oo uu ku basaasayey Midowga Soofiyati.

Si kastaba ha ahaato ee marar kala duwan ayaa la arkay walxahan aanu cilmigu jawaabta u helin ee samada duulaya, taas oo ay ciidamada Maraykanku qireen jiritaankooda, waxa aanay in badan abuurtay doodda soo noqnoqotay ee la isku weydiinayo suurtagalnimada in nolol iyo noole aan teenna ahayni ka jiraan meereyaal aan ahayn koonkan aynu ku noolnahay.