Muuqaalka Duleed Iyo Labbisku Waxa Ay Soo Jiitaan Indhaha, Laakiin Jacayl Ma’ Abuuraan

0
605

Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa u haysta in muuqaalka iyo qaabka qofku ay qayb laxaad leh ka qaadato dareenka bulshadu ay qofkan ku eegayso, waxa ay dadkani aaminsan yihiin in quruxda duleed oo laga shaqeeyo iyo qaabka abuur ee qofku yihiin kuwa keena in indhaha dadku u soo jeestaan qofkan dareenkoodana uu qabsado. Laakiin cilmi baadhayaal daraasad dhinaca xidhiidhka bulshada ah sameeyey ayaa gaadhay natiijo tan aad uga fog. Waxa ay khubaradani sheegeen in qofka oo wax ka beddela dhaqannadiisa iyo qaabkiisa macaamil ay ka dhigayso qof dad badan soo jiita dareenka dad badanna saamayn ku yeesha xattaa haddii aanu qaabkiisa lebis iyo muuqaalkiisa duleed waxba ka beddelin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in daraasaddu cidda ay ka hadlaysaa aanay ahayn dadka isku jinsiga ah oo keliya balse ragga iyo dumarka midkoodba kan kale ku soo jiito qaabka macaamil iyo dhaqan lebiska iyo quruxda duleedna ay abuurka kalgacal ku leeyihiin saamayn aad u yar. Haddii laga tegi waayo waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in quruxda duleed ay keeni karto keliya in ruuxu uu qofka si gaar ah u soo eego ama ugu bogo, laakiin marka ay jeclaan iyo xiisayn tahay waxa uu qofku qiimeeyaa waa shakhsiyadda lafteeda iyo hab-dhaqankiisa, akhlaaqdiisa iyo macaamilka uu bulshada iyo qofkaba kula nool yahay.