Ciidanka Milatariga Ukraine Oo Qaaday Weerar Dhammaystiran

0
598

Picture1Ciidammada Ukraine ayaa bilaabay howlgal milateri oo dhameystiran oo ay ku qaadeen kooxaha gooni u goosadka ah ee taageersan Ruushka ee bariga dalka, saacado un kaddib markii uu dhamaaday waqtigii xabad joojinta. Saldhigyada fallaagada iyo goobaha ay ku xooggan yihiin ayaa waxaa lagu weeraray diyaarado iyo madaafiic, sidaasi waxaa sheegay saraakiil ka tirsan dowladda.

Xabad joojintii 10-ka maalmood aheyd ayaa dhamaatay Isniintii, iyadoo madaxweyne Petro Poroshenko uu sheegay in “Canaasiir dambiilayaal ah” ay curyaamiyeen fursadii nabada.

Hogaamiyayaasha Reer Galbeedka iyo Ruushka ayaa ugu baaqay madaxweynaha in uu sii dheereeyo waqtiga xabad joojinta.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa ku sheegay khudbad uu habeen hore ka jeediyay taleefishinka “Waanu dagaalamaynaa waanuna xorreynaynaa dalkayaga.”

Madaxweynaha ayaa waxaa uu cadaadis kaga yimid mudaharaadayaal dalbanayay in la cusboonaysiiyo howlgalka lagaga soo horjeedo kooxaha gooni u goosadka.

Dhinacba dhinaca kale ayuu ku eedaynayaa in uu jabiyay xabad joojinta.

Isniintii, ayaa hogaamiyaha Ukraine Mr Poroshenko, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, waxa ay ku wadahadleen telefoonka, waxayna isla soo qaadeen rajada ah in la cusboonaysiiyo xabad joojinta.

Balse Mr Poroshenko ayaa khudbadiisa ku sheegay: “Go’aanka ah in aynaan sii wadin xabad joojinta waa jawaabtayada ku aadan argagixisada, maleeshiyaadka iyo tuugada.”