Gabadhu Waxa Ay Awood U Leedahay In Ay Kala Garato Shucuurteeda Iyo Fikirkeeda Laakiin Ninka Ma’ Awoodo

0
633

Vienna (Geeska)- Cilmi-baadhis ay dhowaan sameeyeen khubaro cilmi nafsiga ku xeel-dheer oo ka tirsan jaamacadaha Vienna Livia Tomova iyo Claus Lamm ayaa daahfurtay in dumarku ragga ka calool dabac iyo naxariis badan yihiin ragga xaaladaha ay jiraan duruufaha adag iyo sakatigu, taas oo macnaheedu yahay in xilliyadan oo kale ay gabadhu nafta dadka kale ka door biddo nafteeda halka raggu ay tooda uun ku fikiraan, cid kalana aanay dan badan ka gelin. Waxa ay khubaradani caddeeyeen in u calool dabaca dadka kale iyo shucuurta qofka ku qasabta in uu ka naxo una calool jilco xaalad qallafsan oo uu qof kale ku jiro uu macnaheedu yahay in qofkani uu awood buuxda u leeyahay in uu naftiisa dhigi karo ama ku mesaali karo halka uu qofkan dhibaataysani joogo, taasina ay keenayso in uu u dabco ama naxariis badan u muujiyo. Arrintan ay gabadhu ninka dheer tahay ayaa ay khubaradu ku tilmaameen in ay udub dhexaad u tahay hawl-wadareedka bulsho iyo danta guud oo guulaysta. Waxa ay khubaradu tilmaameen in dad aad u badan ay ku adag tahay qofka dhibaataysan ay halkiisa oo kale is dhigaan si ay u fahmaan xanuunka xaaladda ay ku jiraan iyo shucuurta ay qabaan.

Tijaabooyinka ay arrintan khubaradu ku sameeyeen waxa kale oo ay ku ogaadeen in dumarku ay awood abuur ah u leeyihiin in ay kala soocaan shucuurtooda iyo afkaartooda gaarka ah, gaar ahaan marka lagu jiro xilliyada adag arrintaas oo ay kaga wanaagsan yihiin ragga oo iyagu inta badan isku qasa shucuurta ama dareenka ay laabtoodu hayso iyo fikirka ay ka bixinayaan duruufta adage e la soo deristay. Waxa ragga intaas u dheer in ay ku badan tahay shucuurta danaystenimadu taasina ay keento in duruufaha adag ee u baahnaa in naxariis iyo dhibirsanaan lagu waajaho ay iyagu kaga jawaabaan qallafsanaan iyo colaad ama fulaynimo kallifta in ay baxsadaan.

Claus Lamm oo ka hadlayey sababta keentay kala duwanaanshiyaha fal-celinta iyo shucuurta ragga iyo dumarka marka ay ka hor yimaaddaan xaalado qallafsan iyo duruuf culusi, waxa uu sheegay in badankeedu ay ku xidhan tahay qaab barbaarinta wiilka iyo gabadha oo mar kasta kala duwan, maadaama oo abuur ahaan ay waalidka iskaga beeran tahay in wiilka ay ku beeraan shucuur ah wax iska celin iyo dan ilaalin, halka inantana lagu ababiyo naxariis iyo dhibirsanaan, laakiin waxa kale oo ay arrintani ku xidhan tahay dhinaca abuurka maskaxda ninka iyo gabadha oo kala gedisan. Maskaxda gabadhu waxa ay soo deysaa Hormoon loo yaqaanno Oxytocin, kaas oo gabadha ku beera shucuurta naxariista, oo ay ka mid tahay hooyonimada ay xiisaynayso in ay ilmaheeda naaska nuujiso.