Maqaaxi Caronavirus Awgii U Diidday In Ay Qaabisho Raysalwasaaraha Dalka New Zealand Iyo Odaygeeda

0
709

Maqaaxi ku taalla dalka New Zealand ayaa raysalwasaaraha dalkaas iyo odaygeeda ka diidday in ay qaabisho, maadaama oo timi xilli tirada macaamiisha maqaaxida gudaheeda ku jiraa ay gaadhay xadkii uu dhigayey sharciga kala fogaanshiyaha dadka ee xakamaynta Coronavirus.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalka New Zealand, raysalwasaare Jacinda Andern iyo saygeeda Clarke Gayford ayaa subaxnimadii sabtida magaalada caasimadda ah ee Wellington waxa ay maqaaxidan u tageen in ay ka soo quraacdaan, laakiin markii ay gaadheen ayaa lagu wargeliyey in tiradii macaamiisha maqaaxida loo ogolaa ay buuxsantay. Laakiin cabbaar kaddib oo ay damceen in ay iska tagaan ayaa ay fursad ka heleen maqaaxida kaddib markii mid macaamiisha ka mid ah oo quraacdiisa dhammaystay uu baxay.

Sharciga kala fogaanshiyaha ee xakamaynta Coronavirus ka ayaa dalka New Zealand dhigaya in maqaaxiyaha aanay dadka fadhiyaa isaga dhowaan Karin masaafad mitir ah ugu yaraan. Sayga raysalwasaaraha ayaa sheegay in eedda uu isagu leeyahay, farriin uu bartiisa twitter ka soo dhigay ayaa uu ku yidhi, “Aniga ayaa arrinta dhacday masuuliyaddeeda leh, arrinta ma’aan nidaamin, oo intii aanan iman maan sii xidhan miis. Wanaag ayaa ay noo sameeyeen mar haddii ay naga daba yimaaddeen markii miis bannaanaaday, si aanu dib ugu noqonno, adeeg fiican ayaa uu ahaa”

Warbaahinta dalka ayaa aad uga hadashay arrintan, gaar ahaan sababta aanay marka hore raysalwasaaruhu u sii qabsan miis, laakiin war ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in arrintani ahayd wax la filan karayo, maadaama oo dalka ay xakamayn badani ka jirto si loo joojiyo faafitaanka fayraska. Raysalwasaare Jacinda oo ka hadashayna waxa ay sheegtay in ay muwaadiniinta kale ee maqaaxida timi kala sinnayd sugitaanka. Sidaas awgeed aanay dhib u arkayn waxa dhacay.

New Zealand waxa uu ka mid yahay dalalka uu ugu saamaynta yar yahay xanuunka COVID-19. kun iyo shan boqol iyo saddex (1503) qof oo ka mid ah 4.9 milyan ee qof ee dalkan ayaa uu ku dhacay Coronavirus, laakiin kun iyo afar boqol iyo afarta iyo laba (1,442), ayaa ka bogsaday 21 qofna waa ay u dhinteen.