Haweenka Iyo Qur’aan Akhriska (2): Fannaanaddii Maraykan Ee Qur’aan Akhrsika U Baydhay

0
676

Jennifer Grout

Xiisaha dhegeysiga iyo dib u baadhista Qur’aan akhriska haweenku waxa uu aad u sii kordhay markii ay dhowaan saaxadda Qur’aan akhriska ku soo biirtay haweenay fannaanad reer galbeeda ahayd oo inta ay heesihii ka tagtay u baydhay dhinaca Qur’aanka Kariimka ah.

Sannadkii 2013 ka ayaa uu magaca gabadhan Maraykanka ahi dunida carabta ka soo shaac baxay markii ay heeso Afcarabi ah kaga qaybgashay barnaamijka Hibada Carabta ee ‘Arab got talent’. Jennifer Grout ayaa kasbatay quluubta ka qaybgalayaasha iyo xeerbeegtida barnaamijkan markii iyada oo aan afka Carabiga ku hadli aqoon ay si fiican u qaadday md ka mid ah heeshaha fannaanadii caanka ahayd ee Umu Kaltuun.

Jennifer oo dhalatay bishii Shanaad ee 1990 kii, waxa ay noqotay heesaa cod tolmoon oo taageerayaal badan ku leh adduunka.

Sannadkii 2010 kii oo ay jaamacadda ku jirto ayaa ay waxoogaa ka daraasaysay afka iyo muusiga Carabta, gaar ahaan fannaanadii reer Lubnaan ee Fayruus. Sannadkii 2012 kiina waxa ay fasaxii xagaaga ku tagtay dalka Marooko, halkaas oo Jennifer ay aad uga soo heshay hiddaha iyo dhaqanka Carabta, muusikada iyo carabiga iyo afka Amaasiiqa loo yaqaanno ee qawmiyadda Amaasiiqa ama Barber ee dalkaas. Muddo gaaban kaddibna waxa ay bilowday in ay ku heesto Afcarabi iyo afka Barber ka oo ay taageero badan ku heshay. Waxa aanay bilowday in ay Kaman kaga heesto baar Suuriyaan leeyahay oo ku yaalla magaalada Montreal ee dalka Kanada.

Gabadhan oo aan Afcarabiga ku hadli aqoon, ayaa hees kasta oo carbeed oo ay qaadayso waxa ay marka hore baadhi jirtay macnaheeda iyada oo adeegsanaysa qaamuusyada electarooniga ah. Fannaaniinta ay heesahooda aad u qaadi jirtay waxaa ka mid ahaa Layla Muraad, Fayruus, Asmahaan iyo Umu Kalthuum.

Jennifer ugu dambayntii sannadkii 2014 kii ayaa ay diinta islaamka qaadatay, tan iyo muddadaasna waxa ay bilowday in ay iska joojiso heesaha, beddelkoodana ay Qur’aanka Kariimka ah ku ahkrido luuq aad u fiican, oo dad badani aad u dhegeystaan.

Mar ay ka warramaysay sida uu ugu bilowday xiisaha akhriska Qur’aanku waxa ay sheegtay markii ay bilowday qaadista heesaha Carabiga ah, in macallinkeedii kula taliyey in ay dhegeysato Qur’aanka Kariimka ah si ay u barato farqiga dadka aan carabta ahayn aadka ugu adag ee u dhexeeya ku dhawaaqista xuruufta Carabiga, taas oo bilow u noqotay hanuunkeeda.

Jennifer waa ay muslimtay waxa aanay guursatay wiil u dhashay dalka Marooko. Waxa ay qur’aanka u akhridaa qaabka culimada caanka ah ee Maxamed Saddiiq Mishaawi iyo Cabdalbaasid Cabda-samad (AHUN) iyada oo qabata kulanno waaweyn oo qur’aan akhris ah.