Maalqabeen Socdaalkii Dalxiis Ee Ugu Horreeyey Ku Tegey Hawada Sare Iyo Kharashka Safarkaas Ku Baxay

0
456

Yusaku Maezawa oo u dhashay dalka Jabbaan ayaa noqday aadamihii ugu horreeyey ee dalxiis ku taga hawada sare. Maalqabeenkan 46 sano jirka ah ayaa bishii Sabtembar 2018 kii ku dhawaaqay in uu doonayo socdaal dalxiis iyo nasasho ah in uu ku tago hawada sare, isaga oo xilligaas ku dhawaaqay in safarkaas ay ku wehelin doonaan illaa 8 qof, oo ay ka mid tahay haweenay qurux badan. Waxaana xiise iyo hadal hayn badna abuuray markii uu warbaahinta dunida ka xayeysiisay in Haweenka quruxda badan ee xiisaynaya in ay safarkan ku weheliyaan ay soo qortaan araaji codsi. Taas oo sababtay in boqollaal kun oo haween ahi codsiyo ugu soo qortaan in uu iyaga doorto.

Shirkadda SpaceX ee maalqabeenka Elon Musk ayaa markiiba ballanqaaday in ay riyadaas safarka u rumayn doonto. Waxa aanay bilowday samaynta dayaxgacmeedka qaadaya maalqabeenkan oo muddo sannado ah uu dhismihiisu socday.

Ku dhowaad saddexsano kaddib ayaa uu Yusaku Maezawa rumeeyey riyadaas, kaddib markii 8 Diisambar 2021, dayaxgacmeed ay shirkadda SpaceX leedahay oo laga ganay xarun ku taalla Ruushka.

Maalmo kaddib oo uu hawada sare weli joogo ayaa uu bartiisa twitter ka ku qoray ereyada afka Jabbaanka ah ee akhriskoodu noqonayo ‘Uchyu nau’ oo macnahoodu yahay, ‘Hawada sare, imika’. Isaga oo farriintii xigtayna ku yidhi, “Tani waa farriintii ugu horreysay ee aan hawada sare ka soo diro” waxa aanu soo raaciyey Sawirro uu xidhan yahay garan iyo surwaal gaaban oo muujinaya isaga dayaxgacmeedka dhex sabbaynaya. Dad ka badan toban milyan ayaa ka dareen celiyey hadalladan iyo sawirradan maalqabeenku ku faafiyey bartiisa twitter ka.

Yusaku Maezawa waxa kale oo uu hawada sare ka soo sameeyey muuqaal uu bartiisa twitter ka ku muujiyey oo farsamo Teknoolajiyadeed oo aad u sarraysa ku muujinaya farqiga waqti ee u dhexeeya arlada iyo hawada sare iyo qorrax soo baxa iyo dhicitaankeeda.

Kaddib, socdaal 12 maalmood qaatay oo uu Maezawa ku sugnaa saldhigga Caalamiga ah ee hawada sare (ISS) waxa uu nasiib u yeeshay in uu muuqaal guud oo dhinac kasta ah ka qaato arlada, maadaama oo ay xarunta ISS (International Space Station) ay dhulka ku wareegto qiyaas ah 16 geeddi maalin kasta.

Maezawa  waxa uu socdaalkan hawada sare ku bixiyey lacag lagu qiyaasayo 80 Milyan oo doolar, mar uu dib ugu soo noqoshadiisii dhulka kaddibay warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in uu ka dhex baxay noloshii adduun ee maskaxda mashquulka ku abuuraysay. Isaga oo ku taamay in ay ahayd maalmo ay maskaxdiisu nadiif u noqotay sida ilmaha dhashay, taas oo u saamaxday in uu si fiican uga soo baaraan dego qorshayaashiisa ganacsi. Maezawa ayaa la sheegay in uu dhulka kula soo noday Mashruuc ganacsi oo aad u ballaadhan, kaas oo uu dhowaan bilaabayo.

Dhinaca kalana, waxa uu hoggaamiyeyaasha dunida kula taliyey in ay safarro noocan ah hawada sare ugu baxaan. “Arladani boqol jeer ayaa ay ka qurux badan tahay sida uu sawir kasta oo si qurux badan looga qaadaa muujin karo” ayaa ka mid ahaa hadalladiisa. Waxa aanu intaas ku daray hoggaamiyeyaasha dunidu haddii ay tagaan in casharrada ay ka soo baran karaan ay ka mid tahay muhiimadda ay leedahay wada shaqayntu.